Booliska Kenya oo Xalay Magaalada Eldoret ku Xiray 54 Qof oo Soomaali ah

0

eldoret-downtownNairobi(AGGM)Booliska dalka Kenya ayaa xalay magaalada Eldoret ku xiray 54 qof oo soomaali ah kuwasi oo saarnaa bus ku sii jeedayay deegaanka Turkana.Dadkan soomaalida ah ayaa buska ay saarnaayeen waxa ay boolisku ku joojiyeen goob lagu baaro gawaarida oo lagu magacaabo Burnt Forest.

Booliska ayaa sheegay in dadkan soomaalida ah ay si sharci daro ah uga soo talaabeen xadka Kenya ay la wadaagto soomaaliya.

Taliyaha ciidanka booliska ee bariga Eldoret Nelson Taliti ayaa sheegay in ay ka shakiyeen rakaabka sarnaa buska,ka dibna ay ku amreen in ay la soo baxaan sharcigooda,isagoo intaasi ku daray in dhamaantood aysan wadan wax sharci ah oo u ogolaanaya in ay dalka galaan.

Nelson Taliti ayaa sidoo kale sheegay in ay xireen laba qof oo Ethopiyan hal qof oo u dhashay dalka Suudaan kuwasi oo aan haysan wax dikuminti ah.Dadkan soomaalida ah ayaa lagu xiray saldhiga dhexe ee magaalada eldoret,waxana bari la soo taagayaa maxkamad.

Ugu dambeyntii dawlada wadanka kiiniya ayaa ku mashquulsan xasilinta amaanka degaanada ay maamusho iyadoo koodxda Alshabaab asbuucyadii laga soo gudbay ay magaalada Nairobi ee xudunta wadanka Kiiniya ka geysteen dhibaato xoogan oo naf iyo maalba leh oo sababay inay geeriyoodaan dad badan iyadoo boqolaal dhaawacyo culus u jiifaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com