London(AGGM)Mid ka mid ah Telefishinada fadhigoodu yahay Magaalada London ee dalka Britain ayaa baahiyay Magacyada iyo halka ay ka soo kala jeedaan raggii hoggaanka u ahaa weerarkii sabtidii la soo dhaafay lagu qaaday Xarunta Ganacsi ee West gate eek u taalla Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu hoggaaminayay shaqsi horay uga tirsanaa Ciidamada Kenya balse markii dambe ku biiray dagaalyahannada Ururka Al Shabaab.
Ninkaas Kenyanka ah ayaa Magaciisa lagu soo koobay Cumar kaasi oo ku dhintay weerarkii Westgate Mall ee Magaalada Nairobi d 7aadkii aan ka soo gudubnay ka dhacay.
Soomaaliya ayaa la sheegay in Cumar uu yimid sanadku marka uu ahaa 2005 iyadoo warbixintu ay xustay in xilligaasi uu tagay halka loo yaqaan Raaskaambooni oo uu kaga biiray Xarakada Al Shabaab.
Shaqsiga 2aad ee hormuudka u ahaa weerarkaasi Al Shabaab ayaa waxa Magaciisa lagu sheegay Khidaab oo ka shaqeynayay Maktabad Islaami ah oo fadhigeedu yahay Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.
Ninkaan ayaa la sheegay in mar la xiray oo ay jir dileen Sirdoonka Mareykanka isagoo markii la sii daayay ku biiray dagaalyahannada Ururka Al Shabaab.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com