Nairobi(AGGM)Maxamed Cabdi Ummal oo ka mid ah Mashaa’iqda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya ayaa ka hadlay weerarkii Westgate Mall ee Sabtidii lasoo dhaafay kooxo ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen kuna laayeen dad tiro badan, khasaare hantiyeedna gaarsiisay suuqaasi.
Maxamed Umul wuxuu weerarkaasi ku tilmaamay mid aan Diinta Islaamka raad ku laheyn, Diintana aysan qabin in la xasuuqo dad meel degan ha ahaadaan Muslim ama gaalo, isla markaana qolo gooni ah u gaar yahay.
Maxamed Umul ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkaasi, isagoo sheegay in Shareecadda Islaamka ee Nabi Muxamed CWS kasoo horjeedo falalkaasi guracan, isagoo tilmaamay in cawaaqib xumo ay ka dhalan karto arintaasi.
Ugu dambeyntii hadalkan Maxamed Cabdi Umal imaanayaa xilli Shiikh kale oo ka mid ah tageerayaasha Alshabaab gaalo ku tilmaamay dhamaan umadii muslimka ahayd ee dhiiga u shubay dadkii dhaawacmay,waxaana uu shiikhaas dhamaan gaalaysiiyey dadkii musliimka ahaa ee lagu weeraray west gate.
Daawo
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com