Caabudwaaq(AGGM) Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Degmada Caabudwaaq ee dawlada federaalka ah Mudane Cali Jabiin ayaa ka warbixiyey xaaladda degmada Caabudwaaq iyo guud ahaan degaanada ku xeeran,waxaana uu sheegay in xaaladu xilligan tahay mid degan inkastoo ay jiraan colaado u dhexeya dadka reer guuraaga ah.
Cali Jabiin waxaa uu daaha ka qaaday in colaadda reer guuraga ah u dhexeysaa ay xilligan marayso meel xun isla markaasna ay iska dileen dhawr ruux maalmihi la soo dhaafay,waxaana uu sheegay inay xiriir la sameeyeen Maamuladda Galmudug,Ximan iyo xeeb isla markaasna kala hadleen in arrimahaasi la xakameeyo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay dadka walaalaha ee wada dhashay in la dhex galo isla markaasna arrimaha ay isku hayaan xal waara laga gaaro si ay u wada nooladaan,waxaana uu sheegay in arriintaasi looga fadhiyo beelaha ay ka soo kale jeedaan labada beelood ee xurguftu u dhexeyso.
Dhinaca kale Shacabka Caabudwaaq ayaa si weyn u soo dhaweeyey in xaal waara laga gaaro colaadaha u dhexeya dadka reer guuraga ah isla markaasna waxay sheegeen in looga fadhiyo maamuladu inay u tafo xaytaan sidii dadka reer guuraga ah ee walalaha loo heshiisin lahaa,waxana ay soo dhaweyeen in loo baahan yahay in wax badan laga qabto xaaladahaasi.
Ugu dambayntii hadalkan ayaa imaanaya xilli dhawaan laba kooxo maleeshiyaad ah oo reer guuraa ahi degaanada Dhudub & duleedka Gelinsoor ku dileen dad kale oo aan waxba galabsan waxaana talaabadasi keentey in labada beelood isu hub aruursadaan isla markaasna coolada u dhexeysa laga dareemo degaanada ay ka soo kala jeedaan.
[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/Codka-Gudoomiye-Ku-Xigenka-Dagmadda-Caabudwaq.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com