Hargeysa(AGGM) Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa fadhigoodii maanta cod aqlabiyad ah ku meel-mariyay xeerka takaaliifta waddooyinka Somaliland.
Fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda waxa gudoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa madasha ka soo xaadiray 70 Xildhibaan oo ka mid ah 82 Xildhibaan ee aqalkaasi ka kooban yahay.
58 Xildhibaan ayaa u codeeyay meel-marinta xeerkan, waxa diiday 8 Xildhibaan, halka 3 kalena ay ka aamuseen, sidaasi ayaanu ku hirgalay xeerkaasi.
Xeerkan oo dood adag ka dhex dhaliyay Aqalka Wakiiladda ayaa waxa maanta cod aqlabiyad ah lagu muquuniyay Xildhibaanadii ka soo horjeeday xeerkan.
Dhinaca kale waxa dhicisoobay oo hal bacaad lagu lisay noqday Mudaharaadkii ay shalay ku baaqeen xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI Iyo UCID oo warar xog ogaal ahi ay sheegayeen inuu abaabulayay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Mudane C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Ugu dambeyntii dadweynaha Reer Hargeysa ayaa dhabarka u soo jeediyay mudaharaadkii ay ku baaqeen xisbiyadda mucaaridka ahi, mana jirin cid u soo baxday saaka mudaharaadkaasi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com