War Deg Deg Ah: Xildhibaan Xuseen Cabdisalaam Oo Wax Yar Ka Hor Lagu Diley Muqdisho

0

Breaking_NewsMuqdisho(AGGM) Waxaa hadda bartamaha Magaalada Muqdisho ee caasimadda wadanka Soomaaliya lagu toogtey  Xildhibaan Xuseen Cabdisalam oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana la sheegaya inay dilkiisa fuliyeen kooxo hubeysan oo gaari watey,waxaana la xaqiijinayaa inay baxsadeen kooxdaasi.

Xildhibaanka ayaa lagu magacaabayay Xuseen Cabdisalaan, kaasoo dhiganayay Jaamacada Muqdisho, weerarka ayaa dhacay wax yar kadib markii uu jaamacada ka soo baxay.Wararka ayaa intaa ku daraya in markii rasaasta lagu dhiftay Xildhibaanka loola cararay Isbitaalka, hase ahaatee intii aanu gaarin uu geeriyooday, waxaana haatan Meydkiisa la dhigay qolka Meydka ee Isbitaal Madiina.

Alle ha u naxariiste Xildhibaankan ayaa lagu dilay wadada Laamiga ah ee Buulo Xuubay xilli uu ka soo baxay Jaamacad ku taala nawaaxigaasi oo uu wax ka baran jirey,waxaana la sheegaya in kooxda dilka fulisay ay wateen gaari nooca raaxada ah isla markaasna ay ka baxsadeen meesha ay dilka ka geysteen.

Ugu dambeyntii ciidamada amaanka dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa halkaasi soo gaaray balse kuma guuleysan inay gacanta ku soo dhigaan kooxda dilka fulisay oo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakada Alshabab ee dagaalka kula jirta dawlada federaalka ah & ciidamada Amisom ee farisiimaha ku leh magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com