Hargeysa(AGGM)Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Maxamuud Geelle (Dacar), ayaa sheegay in xaaladda magaaladda Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag ay degan tahay, ka dib markii ay xalay magaaladaasi ka dhaceen mudaharaad rabshado watay oo ay dhigeen kooxo uu ku sifeeyay qaswadeyaal.
Badhasaabka Sanaag waxa uu sheegay si ay uga hortagaan kooxahaasi qaswadeyaasha ah ay caawa ku soo rogeen magaaladda Ceerigaabo bandoo, iyadoo ay nabad-gelyadda magaaladdana aad loo adkeeyay.
Dhinaca kale, waxa sida uu ku soo waramay Weriye Maxamuud Maxamed Xasan Saraaf oo degan Ceerigaabo waxa caawa fiidkii ka dhaqan galay magaaladaasi Bandoo-dii ay maamulka gobolku ku soo rogeen magaaladaas. Waxaana xaafadaha kala duwan iyo shaaricyadda Ceerigaabo la soo dhoobay ciidammo tiro badan oo iskugu jira Booliska iyo Milatariga.
Warku waxa uu intaasi ku darayaa 8:00 fiidnimo la xidhay dhammaan meheradadaha Ganacsiga isla markaana aanu jirin isu socodkii dadweynaha.
Rabshadahan ay dad ku dhaawacmeen ee ka dhacay magaaladda Ceerigaabo xalay ayaa salka ku hayay dad ka gadooday bedelaada lacagtii giimbaarta ahayd ee dhawaan laga bedelay magaaladaas, iyadoo ay jireen dad cabasho ka muujinayay maalmihii u dambeeyay, waxaanay masuuliyiinta gobolka Sanaag iyo degmada Ceerigaabo ku tilmaameen inay ka faa’iidaysteen arrintaas kooxo ay ku tilmaameen qas wadeyaal.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com