Masuuliyiin Ka Tirsan Puntland Oo Kulamo Muhiim Ah La Leh Bulshada Sool

0

gen-cabdisamd-cali-shire1Laascaanood(AGGM)Wefdi uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire ayaa muddooyinkaan dambe waxa ay safar ku joogeen degmooyin ka tirsan gobolka Sool, halkaas oo ay ka jireen colaad beeleedyo iyo sidoo kale baahiyo kala duwan ee dhinaca nolosha ah.

Wafdiga oo hadda jooga degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa sheegay inay ku guulaysteen xalinta dhibaatooyin ka jiray gobolka oo ay ugu horreyso colaad beeleed muddo ka dhex taagnayd beelo wada dega gobolka,

Axmed Maxamed Axmed (Dubeys) oo ka mid ah wafdiga Puntland ee Taleex jooga ayaa mar uu ka warbixinayey safarkooda waxa uu sheegay in ay ku guulaysteen inta badan hawlihii ay halkaas u tageen, isagoo xusay in safarkoodu uu ku qotomay laba arrimood oo kala ah, colaad u dhaxeysey beelaha gobolka wada dega iyo caqabado dhanka nolosha ah oo haystay dadka deggan G/Sool.

Axmed Dubays ayaa sheegay in gobolka ay  ka jireen aragtiyo siyaasadeed oo ka soo horjeeday Puntland, kuwaas oo uu sheegay in ay xal wanaagsan ka gaareen kadib markii ay kulamo la qaateen qeybaha bulsha iyo maamulada ka jira degmooyinka qaar.

Madaxwene ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire ayaa safarka uu ku joogo G/Sool waxaa ku wehliya xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo baarlamaanka, waxay gobolka Sool ku suganyihiin muddo 25 cisho ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com