Muqdisho(AGGM) Xoghayihii Arrimaha dibedda Xisbul Islam Shiikh Maxamed Macalin oo ay shalay xabsiga u taxaabeen ciidamada nabad sugidda dawlada federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta ka hadlay xariga loo geystey,waxaana uu sheegay in xarigaasi uu ahaa mid qaldan isla markaasna si bareer ah loogu geystey isagoo ku tilmaamay inusan dambiile ahayn.
Shiikh Maxamed Macalin waxaa uu daboolka ka qaaday in xalay Maqribkii ay sii daayeen ciidamada nabad sugidda dawlada federaalka ahi,waxaana uu shaaciyey inuu xarigiisa ka dambeyeey taliyaha ciidamada nabadsugida Mr Koofi,waxaana uu sheegay amarkiisa lagu soo xiray.
Waxa uu sheegay in Koofi laftiisu uu su,aalo waydiyey isla markaasna uu amar in la siidaayo,waxaana uu sheegay in uu xariigisu ahaa mid sharci darro ah isla markaasna meel ku dhac ku ah dawladda federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana uu daboolka ka qaaday in dawlada federaalka ah cid kasta ay kula kacayso falal bini aadamnimada ka baxsan.
Ugu dambeyntii shalay ayey ahayd markii ciidamada nabad sugidu xabsig au taxeen Shiikh Maxamed Macalin xilli uu ka soo baxay Xabsiga uu ku jiro Shiikh Xasan Daahir Aways oo uu booqasho ahaan ugu tagay,waxaana halkaasi markii uu ka soo baxay xabsiga u taxaabay ciidamada nabad sugidda dawlada federaalka ah.
[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-SHEEKH-MAXAMED-MACALIN-OO-DIB-UHELAY-XURIYADIISA.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com