Muqdisho(AGGM) Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku dhageysteen warbixinno la xiriira safarro shaqo oo ay Mudanayaasha Baarlamaanka ku tageen gobollada Dalka, ayadoo dhanka kalena kulankii maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka loo qeybiyey Mooshin la xiriira qodob lagu kordhinayo xeer hoosaadka Baarlamaanka,
Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo kulankii maanta shir gudoominayey ayna soo xaadireen 165 Mudane ayaa ugu horeyn ka hadlay soo xaadiridda xildhibaannada Baarlamaanka iyo habsami u socodka kulamada Baarlamaanka ee Kalfadhiga Seddexaad, oo uu sheegay in ay uu si habsi leh u socdaan kalfadhiyada baarlamaanka
Furitaankii gudoonka kadib waxaa Mudaneyaasha Baarlamaanka ay gudagaleen ajandeyaashii kulankii maanta ayadoo ugu horeyna warbixinno ku aadan safarradii shaqo ee ay Mudaneyaasha Baarlamaanku ku tageen gobollada dalka iyo dibaddiisa laga dhageystay Xildhibaannada waxaana ugu horeyn warbixin ku aadan safar uu wafdi uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ku tageen dalka Ingiriiska.
Xildhibaan C/kaafi Macalin Xasan oo ka mid ahaa wafdigaasi uu Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Wafdigooda ka socday Baarlamaanka si heer sare ah loogu soo dhaweeyey dalka Ingiriiska, soo jeedintaasina ay muujineyso sida uu Baarlamaanka Ingiriisku u daneynayo la shaqeynta Baarlamaanka Soomaaliya.
“Waxay noo sheegeen in ay diyaar u yihiin dhankooda sidii aan u wada shaqeyn lahayn, iyagoo nagu ammaanay dhanka horumarka ah ee uu baarlamaanku ku talaabsaday” ayuu hadalkiisa ku daray.
Dhanka warbixinnada gobollada ayaa waxaa kulanka ka hadlay Xildhibaan Cabdi Barre oo ka mid ah xildhibaanno tagay deegaannada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo Golaha Shacabka ka hor aqriyey baahida iyo horumarrada ka jira deegaannada Puntland ayaa sheegay in shacabka Puntland ay Xildhibaannadu si heer sare ah usoo dhaweeyeen laakiinse waxa uu muujiyey cabasho ay shacabka Puntland ka qabaan deeqaha waxbarasho oo aanay laga siinin kaalintooda iyo cabasho la xiriirta in Dastuurka KMG-ka ah wax laga bedelay, taasi oo ay Madaxda sare ee Dalka sida Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ka codsadeen in arintaasi ay wax ka qabtaan.
“Cabashooyinka shacabka reer Puntland ay noo soo jeediyaan waxaa ka mid ahayd in aysan dowladda dhexe ka helin adeeyaga aas aasiga u ah bulshada, uuna codsanayo in arrimahaasi wax laga qabto” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Xildhibaan Muuse Sheekh Cumar oo isaguna ka mid ah wafdigii Baarlamaanka ee tagay gobolka Gedo ayaa sheegay in deegaannada gobolkaasi ay ka jirto baahi aad u ballaaran oo la xiriirta dhinacyada caafimaadka iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed oo ay dadka reer Gedo ku dhaliileen Xukuumadda inaanay wax laga gaarsiin.
Dhammaan Xildhibaannada soo gudbiyey warbixinnada gobollada ay booqdeen waxa ay ka sinaayeen in deeqaha Waxbarasho ee ay Soomaaliya ka hesho dalalka caalamka aanay la gaarsiin gobollada kale ee dalka, kuna tilmaameen in Xukuumaddu ay ku koobtay kaliya Muqdisho iyo in xitaa hormarinta Mashaariicda Waxbarashada aysan gaarin gobollada dalka ayadoo dadka iyo maamulada gobollada ka jira ay qabaan in la musuqmaasuqo deeqahaasi waxbarasho.
Soo jeedinadaasi warbixinnada ee Mudaneyaasha Baarlamaanka kadib ayaa waxaa Xildhibaannada Baarlamaanka loosoo gudbiyey mooshin ay soo diyaariyeen 21 Xildhibaan oo Baarlamaanka ka mid ah, ayagoo cuskaday Qodobka 69aad,Farqadiisa 2aad, xarafkiisa (d) iyo qodobka 98aad,Farqadiisa 2aad, xarafkiisa (a) iyo (b), ee Dastuurka KMG-ka ah , Qodobka 41aad,farqadiisa 2aad ee Xeer hoosaadka Golaha Shacabka waxaana xildhibaannadan ay soo jeediyeen in Xeer hoosaadka Golaha Shacabka lagu daro Qodob ah in Wasiirrada,Wasiir Dowlayaasha iyo Wasiir ku xigeennada ma loo qaadayo codka kalsooni siinta mi mid CV-gooda looga hor aqriyo Golaha Shacabka, mid midna Kalsoonimada loogu qaado.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com