Muqdisho (AGGM): Taliyaha Xabsiga Col Max’ed Xuseen Axmed Sabdoow ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyey inuu si masuq masqu ah ku daayey saraakiil Alshabab ahaa oo toogasho lagu xukmay.
Arinta ugu weyn ee xariga Taliyaha Xabsiga Dhexe ka dambeysa ayaa lagu sheegay inuu ka dambeeyey sii deysmada nin ku eedeysnaa inuu dili lahaa abaandulihi hore ee ciidamada xooga dalka Jeneral Dhega badan kaas oo la sheegay in dil lagu xukumay kadibna laga waayey xabsiga dhexe.
Sanado ka hor ayaa waxaa baxsaday taliyihi hore ee xabsiga dhexe kadib markii sidan oo kale loogu eedeeyey inuu sii daayey xubno Shabab ka tirsanaa oo dil lagu xukumay.
Isku soo wada duuboo Taliyaha Xabsiga dhexe ee muqdisho Col. Maxamed Xuseen Axmed Sabdoow ayaa waxa la sheegay in eedeynta loo jeediyey baaritaano kusocoto haddana uu xiran yahay.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com