Kismaayo(AGGM) Askar ka tirsan ciidamada dawlada kiiniya ee ka midka ah ciidamada nabad ilaalinta ee Amisom ayaa la sheegaya in maanta qarax xoogan lagula eegtey farisiimo ciidan oo ay ku leeyihiin degaanka Qooqaani ee jubadda hoose,waxaana la sheegaya in ciidamadaasi ay ka geeriyoodeen askar badan.
Goob jooge ku sugan degaanka Qooqani ayaa warbaahinta Allgalgaduud u xaqiijeyey in qaraxaasi ahaa nooca dhulka lagu duugo isla markaasna ay ku geeriyoodeen 5 askari iyadoo dhaawac halis ahi soo gaarey 4 askari oo kale,waxaana la sheegaya in qaraxaasi ahaa miino loogu duugay wado ay adeegsadaan ciidamada kiiniya ee ku sugan Qooqaani.
Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee ciidamada kiiniya ayaa la sheegaya inay halkaasi ka qaadeen 5 askari ee dhimatey iyo 4 tii dhaawaca ahaa,waxaana la aaminsan yahay in dhaawacaasi loo qaaday dhinaca Magaalada Wajeer halkaasi oo ay ciidamada kiiniya ku leeyihiin saldhig ciidan oo weyn.
Qaraxan ayaa la aaminsan yahay inay ka dambeeyeen falaagada Alshabab oo dagaalo culus kula jirta ciidamada kiiniya iyo kuwa kale ee Amisom kuna sugan gudaha dalka Soomaliya,waxaana la sheegaya in Alshabaab qaraxaasi sheegteen masuuliyadiisa isla markaasna ay shaaciyeen tiradda ciidamada ay qaraxaasi la beegsadeen inay intas ka badan tahay.
Ugu dambeyntii ma jiraan wax wara oo wali ka soo baxay Saraakisha ciidamada dawlada kiiniya ee ku sugan Gudaha dalka Soomaaliya,waxaana la aaminsan yahay in dhibaatadan qayb ka tahay weerarada Alshabaab inta badan ku soo qaadaan farisiimaha cidamada dawlada kiiniya ee ku sugan gobollada Jubooyinka iyo Gedo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com