Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Howlgal Balaaran Ka Wada Qeybo Ka Mid Ah Magaalada Muqdisho.

0

Baaritaano-Xoogan_11-620x330Muqdisho (AGGM): Kadib weeraro iyo qaraxyo saf ballaaran ah oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayeey bilaabeen ciidamada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOM in ay isku fidiyaan degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir oo xiligan ay ka wadaan howlgal balaaran.

Gaar ahaa howlgal baxaad leh ayeey ciidamada dowladda kuwa midowgga Africa ka wadaan degmada Huriwaa gaar ahaan xaafadda Suuqa xoolaha oo lagu dhax arkayo gadiidka gaashaaman ciidamada AMISOM oo meel kasta taagan.

Howlgalka ka socda xaafadda Suuqa xoolaha ayaa saameyn xoogan ku yeeshay isku socdka gadiidka dadweynaha, waxaana la arkayaa gadiidkii dadweynaha ee tagi jiray suuqa xoolaha oo meel dhexe ka soo laabanaya, madaama ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM aysan ogoleyn dhaq dhaqaaqa gadiidka.

Dadka xaafaddaha howlgalka laga wado ayaa sheegay in ciidamada si gaar ah u bartilmaameedsanayaan dhalinyarrada ku dhaqan xaafaddaha howlgalka laga wado.

Sidoo kale, ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka iyo AMISOM ayaa howlgalka balaaran ka wada suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo sida wararku sheegayaan laga soo qab qabtay dad u badan dhalinyarro.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlgalada qeyb ka yihiin qorshayaasha lagu sugayo nabad-galyda magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com