Dhageyso:Banaanbax Looga Soo Horjeedo Heshiiska Addis Ababa Ee Dowladda Iyo Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Ka Soconaya Magaalada Baydhabo.

0

banaabax12Baydhabo (AGGM): Isku soo bax looga soo horjeedo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xiligan ka soconaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo waxgarad kasoo jeeda degmadaas ay maalin ka hor sheegeen inay xiriirka u jareen dowladda Soomaaliya.

Dibadbaxayaasha ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay waxgaradka iyo aqoonyahanno ka tirsan kuwa deegaanka, iyadoo ay ka qaybgalayaan dadweyne fara badan oo isugu jira rag dumar iyo caruur.

“Isku soo baxan waxaa uga soo horjeednaa dowladda Soomaaliya oo dhawaan heshiis kula gashay Addis Ababa maamulka Jubbaland,” ayuu yiri malaaq Cali Shiine oo afhayeenka guddi ku shiray Baydhabo oo sheegay in mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya aysan imaan karin Gobollada Bay iyo Bakool.

Dadka ka qeyb-qaadanaya dibadbaxa xiligan ka socda magaalada Baydhabo ayaa ku qeylinaya erayo ay kaga soo horjeedaan dowladda Soomaaliya, waxaana xubnaha soo qabanqaabiyay dibadbaxyadan ay sheegeen inay ka go’an tahay inay iyagu ka tashadaan aayahooda.

“Dowladda Soomaaliya waxay heshiis la gashay maamul is-magacaabay, waana taas midd aan ka soo horjeedo, waxay ahayd in dowladdu ay go’aan kaas ka duwan ay ka qaado maamulkaas,” ayuu yiri Cali Shiino oo koox wariyeyaal ah Baydhabo kula hadlay Khamiistii lasoo dhaafay.

Wararka ayaa sheegaya in deegaanno kale oo ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool ay ka socdaan dibadbax midkan la mid ah, iyadoo tani ay ku noqonayso dowladda caqabad kale oo kasoo wajahday gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/08/Suldaan-shariif-cali-xasan-ibraahim-.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com