Kismaayo(AGGM) Ka dib kulankii maalmaha badan ka socday Magaalada Addis Ababa e wadanka Itoobiya oo shalay gelinkiii dambe lagu soo af jaray halkaasi,waxaa jira kulamo ay Huteelka ay ka degan yihiin kooxda Raaskambooni ku lahayeen Magaalada Addis Ababa kulamadaasi oo ku saabsana sidii qaarkood oo xilka waayey xilal u heli lahayeen.
Kulankaasi oo u gaar ahaa Labada horjooge ee Jabhadda Raaskambooni sida Isbatoore Fartaag & Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu ka dhashay muran dhex mara labadooda ka dib markii uu ku dooday Isbatoore Fartaag madama uu waayey xilkii Madaxweyne ku xigeen laga dhigo Gudoomiyaha Gobolka Jubadda Hoose,waxaana la sheegay inuu Horjooge Axmed Madoobe si cad ugu sheegay inaysan taasi macquul noqon doonin.
Horjoogaha Jabhadda Raaskambooni ayaa la sheegay inuu Isbatoore Fartaag ku wargeliyey inay jiraan Beelo Badan oo soomaaliyeed kuwaasi oo doonaya inay xilal ka helaan Labada Gobol ee Jubadda Hoose iyo Jubadda Dhexe,Waxaana la sheegay inuu Axmed madoobe sheegay in beelaha qatan xilkaasi la siin doono balse aysan dhici doonin qof ka soo jeeda Beesha Sade uu xil ka qabto labada gudoomiye ee gobolada jubadda dhexe iyo jubadda Hoose.
Isbatoore Fartaag oo waacusub u beryey ayaa la sheegaya inuu hadda ku sugan yahay Magaalada Addis Ababa isla markaasna uu ogaaday inaysan siyaasadu saaxiib joogto ah lahayn isla markaasna ay leedahay dan joogto ah,waxaana wararku sheegayaa in hadda uu Isbatoore Fartaag ku doodayo in la siiyo gudoomiye ku xigeenka labaad ee degmada Kismaayo.
Maamulka Gobolka Gedo ayaa ah mid lama taabtaan ah balse waxaa hadda la sugayaa inuu dhawaan lagu dhawaaqo gudoomiyeyaasha gobolada Jubadda dhexe iyo Jubadda Hoose,waxaana la sheegaya in dawladu indho gaar ah ku eegi doonto arrimaha ka socda Goboladaasi isla markaasna ka fiirsan doonto cidda xilalkaasi qabaneysa mudada kmg ah.
Isbatoore Fartaag ayaa siyaasada iyo dhinaca beesha sade ee uu ka soo jeedo ku fashilmay ka dib dagaaladii ka dhacay Magaalada Kismaayo kuwaasi oo dhibaato xitaa lagu soo gaarsiiyey dad shacab ah oo ku dhaqnaa Magaalada Kismaayo arrimahaasi oo uu si cad u beeniyey Isbatoore Fartaag isla markaasna booskiisii ku difaacanayey balse hadda u muuqda in Buundada lagaga gudbay.
Ugu dambeyntii Siyaasada ma lahan Saaxiib joogto balse waxay leedahay dan joogto ah,waxaana taasi ku cadeyneysaa Meesha Axmed Madoobe kaga dhaqaaqay Fartaag, Cumar Cabdirashiid iyo Gaandi oo la safnaa isla markaasna uu Axmed Madoobe qaatey taladdi ay u jeediyeen aqoonyahanadda Soomaaliyeed ee ahayd inaan waxba u hirgeli doonin hadii uusan dawladda federaalka ah ee Soomaaliya hoos tagin.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com