Maxkamadda Sare Ee Ciidamadda Somaliland oo Xabsi Daa’in Ku Riday Askari

0

Taliska-GuudHarageysa(AGGM) Maxkamadda sare ee Ciidammadda Qalabka sida ee Somaliland ayaa soo saartay xukuno kala duwan oo isugu jira xabsi daa’in iyo Tobon sanadood oo ay ku riday askari hore ugu xukunaa dil.

Nuqul ka mid ah xukunnadda ay maxkamaddu soo saartay oo soo gaadhay Somaliland.Org oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidanka qalabka sida Xasan Aadan Sugulle, ayaa u dhignaa sidan:-

“Fadhi ay yeelatay maxkamaddu 27-kii bishan Augost ee 2013-ka oo ku beegnayd maalintii Salaasada ayaa maxkamaddu waxay xabsi daa’in ku xukuntay Ex Ciidanka qaranka Axmed Hurre Faarax oo ku xukunaa Dil toogasho ah, kaasoo hore u dilay Marxuum Maxamed Faarax Burle, maxkamaduna u adeegsatay qodobada 16-195 xeerka ciqaabta ciidammadda iyo qodobadda 484-491 ee xeerka ciqaabta guud.

Xukunka labaad ee ay maxkamaddu soo saartay waxay 10 sanadood oo xadhig ah ku xukuntay racfaanle Axmed Hurre Faarax iyadoo ay maxkamaddu u cuskatay qodobka 484-491 xeerka ciqabta guud iyo qodobka 71 ee xeerka ciqaabta guud.

xukunka sadexad ee ay maxkamddu soo saartay waxay 10 sanadood oo xadhig ah ku xukuntay Ex rcfaanle Ismaaciil jaamac yuusuf (Jiilaal) iyadoo u cuskatay qodobka 484 xeerka ciqabta guud iyo qodobka 71 xeerka ciqbta guud.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com