Dhageyso: Axmed Madoobe & Faarax Cabdulqaadir Oo Ka Hadlaya Qodobadii Lagu Heshiiyey

0

wadahadalka-Jubaland-Federaal-AddisAbaba1Muqdisho(AGGM) Waxaa galinkii dambe ee maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Adis ababa ee caasimada dalka Ethopiya wada hadalo maalmahaan halkaasi uga socday dowlada soomaaliya iyo maamulka Sheekh Axmed Madoobe,iyadoo halkaasi lagu saxiixday heshiis ka kooban dhowr qodob.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir ayaa heshiiskaasi iyo qodobada uu ka koobanyahay uga warbixiyay radio muqdisho,isagoo sheegay in shirkaasi uu ka mid ahaa fulinta barnaamijka dowlada soomaaliya ee loogu magac daray lixda tiir ee ah in xasilinta dalka loo maro dib u heshiisiin iyo wada hadal,wada hadalka socdayna uu ku soo dhamaaday guul,iyadoo dhamaan waxyaabihii laga wada hadlay leeysku af gartay.

Wasiiru dowlada ayaa sheegay in waxyaabaha leysku afgartay ay ka mid yihiin in maamul KMG ah uu ka jiro jubbooyinka mudo KMG ah,mudadaas gudaheedaha laga shaqeeyo sidii lo fulin lahaa habka federaalka,iyadoo la raacayo rabitaanka shacabka iyo dastuurka uu leeyahay dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Wasiiru dowladaha ayaa sidoo kale sheegay in shirka looga wada hadlay arrimaha nabad gelyada iyo dib u habeeynta ciidamada si ciidamadaasi ay u noqdaan ciidamo raacsan hogaanka dhexe ee xooga dalka soomaaliyeed,iyadoo sidoo kale laga wada hadlay hantida ma guurtada ah sida dekada iyo garoonka oo raacsanaan doono dowlada soomaaliya.

Faarax Shiikh C/qaadir ayaa intaasi ku daray in shirkani uu yahay uu biloow oo ay jiri doonaan shirar dib u heshiisiineed oo lagu dhameeystirayo wada hadalka kuwaasi oo ka dhici doono muqdisho iyo kismaayo.

Dhinaca kale Sheekh Axmed Madoobe ayaa dhankiisa soo dhaweeyay wax dan u ahna soomaalida ku tilmaamay qodobada ka soo baxay wada hadaladii ka socday Adis ababa,isagoo u mahad celiyay dhamaan dhinacyadii ka qeyb qaatay sida IGAD,Ethopiya,dowlada soomaaliya iyo maamulkiisa.

Axmed Madoobe ayaa ku amaanay madaxweeynaha soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud dadaalka uu u galay sidoo loo xalin lahaa khilaafkii jiray.

Dhageyso Faarax Cabdulqaadir

[ca_audio url=”http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2013/08/Wasiir-Dowlada-Madaxtooyada-Faarax-Cabdi-qaadir.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Dhageyso Axmed Madoobe

[ca_audio url=”http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2013/08/Shiikh-Axmed-Madoobe.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com