Laascaanood(AGGM) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Jeneraal Cabdisamad Cali Shire oo hogaaminaya wefti ka socda Maamulka Puntland ayaa maanta lagu soo dhaweeyey caasimadda Maamulka Khaatumo ee Taleex,waxaana la sheegaya in halkaasi kulamo kula qaadanayo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Khaatumo.
Madaxweyne Cabdisamad Cali Shire waxaa Magaalada Taleex ku soo dhaweyey Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Col Axmed Karaash,waxaana la sheegayaa in Madaxda Maamulka Khaatumo iyo kuwa Puntland ay ka wada hadli doonaan arrimaha amaanka iyo xiriirka labada Maamul sida uu sheegay masuul ka tirsan maamulka Khaatumo oo ku sugan Magaalada Taleex.
Agaasimaha warfaafinta Maamulka Khaatumo oo saxafada la hadlay ayaa shaaciyey in imaanshaha Madaxweyne ku xigeenka Puntland uu salka ku hayo sidii labada maamul nabad iyo amaan ugu wada noolaan lahaayeen,waxaa kale oo uu daboolka ka qaaday in Jeneraal Cabdisamad uu u yimid Magaalada taleex inuu dhameeyo muran qabiil oo u dhexeya laba beelood oo walaalo ah.
Sidoo kale waxaa imaanshaha Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland si weyn looga hadal hayaa degaanada Khaatumo waxaana dadku ka bixinayeen aragtiyo kala duwan kuwaasi oo salka ku haya arrimo ku aadan khilaafka ka dhex aloosan 3 da maamul ee Khaatumo state,Maamulka Somaliland & Puntland oo muran dhul ka dhexeeyo.
Ugu dambeyntii waxaa lagu wadaa inuu madaxweyne xigeenka Maamulka Puntland uu saacadaha soo socda dib ugu laabto magaalada Garoowe iyadoo uu wali kulamo muhiim ah la leeyahay madaxda khaatumo iyo dadka degaanka,waxaana uu kala hadlayaa arrimo khuseeya dhinaca amaanka iyo dib u heshiisin loo sameynayo laba beelood oo halkaasi isku haya sida ay sheegeen masuuliyin ka tirsan Maamulka Khaatumo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com