Dhageyso: Abaandulaha Ciidamada Xoogga Dalka Oo Ka Hadlay Arrimo Badan Oo Khuseeya Gobolka Galgaduud

0

Gen.-Cabdirisaaq2-500x333Caabudwaaq(AGGM)  Abaandulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo hada ku sugan degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud ayaa ka dhawaajiyey arrimo badan oo khuseeya gobolka Galgaduud isla markaasna wax looga qabanayo dhinaca amaanka iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Jeneraal Cabdirisaaq waxaa uu shaaciyey in Taliyihii Guutadda 21 ee xoogga dalka Soomaaliya la soo magacaabay isla markaasna uu la socday weftigooda shalay galgaduud soo gaaray,waxaana uu sheegay in ciidamada Guutada 21-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ee fadhigoodu ahaa gobolka Galgaduud awoodoodii ciidan dib loo soo celinayo.

Sidoo kale waxa uu Jeneraalku shaaca ka qaaday in dawlada iyo Ahlusuna Waljameeca heshiis wanaagsan kala saxeexdeen isla markaasna hadda wada shaqeyanayaan,waxaana uu sheegey in ciidamada Ahlusuna Waljameeca iyo kuwa xoogga dalka ee gobolka Galgaduud laysku darayo isla markaasna ay noqonayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu la socdo Taliyaha Guutadda 21-aad ee Gobolka Galgaduud weftigooda isla markaasna uu la wareegi doono guud ahaan ciidamada ku sugan gobolka Galgaduud,waxaana uu sheegay in lagu wado inuu maalmaha soo socda gobolka Galgaduud degaano ka tirsan oo Alshabaab gacanta ku hayaan dawladu la wareegi doonto.

Ugu dambeyntii Jeneraal Khaliif waxaa uu shaaca ka qaaday in ciidamo hor leh oo cusub laga qori doono degmo kasta oo ku taala Gobolka Galgaduud si awoodii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed dib loogu soo celiyo,waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in ciidamada xoogga dalku difaacaan sharafta iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/08/DHAGEYSO-ABAANDUUHALAH-CIIDANKA-XOOGA-DALKA.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com