Nairobi (AGGM) Booliska wadanka kiiniya ayaa digniin culus ka soo saaray weeraro uga yimaada Xarakada Alshabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Kiinyia Iyo Soomaaliya,waxaana Booliska dawlada kiiniya ka digeen inay dhici karto in Alshabaab weeraro ka fuliyaan Magaalada Mombasa oo ah meel dalxiisayaashu tagaan.
Boliiska ayaa waxa ay sheegeen in lafilankaro Weeraro loogu aar gudayo Wadaadkii lagu magacaabi Aboud Rogo, kaasoo ladilay Bishii August 27 ee sanadkii 2012, kaasoo ay dowlada Kenya iyo Maraykankuba ku Eedeeyeen inuu Xiriir dhow laleeyahay islamarkaana Taageero siiyo Xarakada Al Shabab ee kadagaalanta Bariga iyo Bartamaha soomaaliya.
Kooxa dablay ah oon haybtooda lagarayn ayaa waxa ay rasaas ku fureen Gaari uu watay Wadaadka uuna halkaasi ku dhimtay,waxaana dilkaasi lagu eedeyey inay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsanaa kuwa dawlada kiiniya gaar ahaan kuwa sirdoonka ee loo yaqaano Fly Scout-ka.
Ciidamada Boliiska Kenya ayaa sheegay in Dhaqdhaqaaqa AL-Shabab ay Macquul tahay in ay Fuliyaan Weeraro ay ku Xusayaan Sanadguuradii kasoo Wareegatay Dhimashadiisa.
Taliayaha Boliiska Magaalada Mombassa Robert Kitur, ayaa Wakaalada Wararka reuters u sheegay in Ciidamada boliisku ay adkeeyeen Amaanka Magaalada Mombassa.
Dhanka kale Qaar farabadan oo kamida Muslimiinta dalka Kenya ayaa waxa ay ku eedeeyeen dowlada Kenya Dilalka ka dhanka ah Wadaadada Muslimiinta, ayna Arintaasina Qayb katahay Olale ka dhan ah Bulshada iyo Aqiidadooda.
Ugu dambeyntii dawlada kiiniya ayaa walaac xoogan ka qabta ciidamada Alshabaab inay weeraro culus ka fuliyaan Magaalada Mombasa ee wadanka Kiiniya halkaasi oo ay inta badan tagaan dadka dalxiisayaasha ahi,waxaana digniintani imaanaysaa xilli Alshabaab weeraro culus ka fuliyeen gudaha dalka Kiiniya kuna qafaasheen kuna dileen saraakil ka tirsan dawlada kiiniya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgagladuud@gmail.com