Balanballe (AGGM): Maamulka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa maanta sheegay in dadka soo barakacay ee ku nool degmada Balanballe aysan heysan daryeel caafimaad, waxbarasho iyo biyo ku filan.
Guddoomiyaha degmada Balanballe Harari Xasan Barre ayaa sheegay inay jiraan carruur xanuunsan oo aan helin daryeel caafimaad, isagoo xusay inay yar tahay carruurta heshay tallaalka ka-hor-tagga cudurrada.
Harari Xasan ayaa tilmaamay in dadka soo barakacay oo ku nool 8 xero oo ku yaalla degmada Balanballe aysan heysan ceelal ku filan oo ay biyo ka cabaan iyo iskuullo ay wax ka bartaan carruurta.
Wuxuu sheegay in dadkaas oo u badnaa xoolo dhaqato ay ceyrteysay abaartii laba sano ka hor ka dhacay dalka.
Guddoomiyaha ayaa u soo jeediyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, jaaliyadaha dibadda iyo hay’adaha samafalka inay u soo gurmadaan dadka soo barakacay ee ku nool degmada Balanballe.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com