Leicester (AGGM); Wararka naga soo gaaraya magaalada Leicester ee dalka Ingiriiska ayaa waxa ay sheegayaan in uu magaaladaasi gaaray Gen. Cali Maxamed Xasan Looyaan (Ali Madoobe) oo ka mid ah dadka ay madax martay waxa loogu yeero Jubbaland.
Gen. Cali Madoobe ayaa Jaaliyada beesha Sade ee magaalada Leicester waxa ay ku wargaliyeen inuusan u imaan karin islamarkaana meel ay joogaan haddii uu imaadana waxii soo gaara inaysan qaadeeyn masuuliyadeeda.
Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Gen. Cali Madoobe ay magaalada Leicester ay ku soo dhaweeyeen dad gaaraya 15 ruux oo u badan taksiileyaal ka soo jeeda deegaanada Puntland, Gaarisa iyo Jigjiga.
Gen Cali Madoobe ayaa waxaad mooda nin aad ugu dulqaad badan dibirta iyo bahdilka mar walba loo geeysto, sida aan la wada soconana waxa uu ka mid ahaa raggii sheegay in ay yihiin musharixiin u taagan qabashada xilka Jubbaland kadibna baqaar uu ku xiray Axmed Madobe inta ay socotay xafladi is caleemo saarka.
Dhinaca kale warbaahinta Allgalgaduud Media oo xiriir la sameeysay maamulka Jaaliyada beesha Sade ee magaalada Leicester ayaa waxaanu wax ka weeydiinay sababaha ay u dideen, waxa ayna inoo sheegeen in ninkaasi uu yahay dambiile la mid ah Axmed Madoobe marnabana aysan dhaceen inay soo dhaweeyaan isaga iyo kuwa la midka ah.
Maamulka Jaaliyada beesha Sade ee magaalada Leicester ayaa waxa kale oo ay inoo sheegeen in waqti aan dheereen lala xisaabtami doono Gen. Cali Madoobe iyo kuwa la midka ah sida Col. Indhoraadeer, Gen. Fartaag iyo Sheekh Awlibaax ee u adeega danaha dadyoowga kale.
Gen. Cali Madoobe ayaa waxa uu u wareegayaa dalka dibadiisa sida uu qurbajoogta beesha Sade ugu baaqi lahaa inay kala soo qeeyb galaan bahdilka iyo karaamo xumada uu dhabarka u ritay, waxaana sidoo kale koox kale oo lamid ah Gen. Cali Madoobe loo diray gobolka Gedo.
Warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Gen. Cali Madoobe uu iminka u anbabaxay dhanka dalka Mareeykanka isagoo ku wajahan magaalooyinka Columbus Ohio iyo Minneapolis ee gobolka Minnesota.
Isku soo wada duuboo waxaad moodaa in Jaaliyadaha beesha Sade ee dalka dibaddiisa ka foojigan yihiin ayna si wadajir ah ugu soo jeesteen difaaca danahooda iyo dalkoodaba.
Maxamed Siciid Faarax
Leicester, UK
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com