Kismaayo(AGGM) Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo muddooyinkii ugu dambeyey la safna kooxaha mucaaradka ku ah dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa dhawaan eedeyn kulul u jeediyey dawlada federaalka ah ee Soomaaliya isagoo si gaar ah u bartilmaameedsaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.
Dr Cali Khaliif Galeyr oo u waramay warbaahin Soomaaliyeed ayaa ku eedeyey Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya inuu xiriir la leeyahay Falaagada Alshabaab,waxaana arrintaasi aad uga carooday Madaxda dawlada federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana la sheegaya in arrintaasi gaartey gudoonka baarlamaanka Soomaaliya oo hore u sheegay in Xildhibaanka Dhaliila dawlada federaalka ah isla markaasna keeni waaya cadeymo dhab ah uu xilkaasi waayi doono.
Wararka Allgalgaduud helayso ayaa sheegaya in gudoonka baarlamaanka Soomaaliya uu xiriir la sameeyey Dr Cali Khaliif Galeyr isla markaasna uu ku war geliyey inuu Cadeyn buuxda keeno si Madaxweynaha loogu qaado eedda uu jeediyey,waxaana uu uga digay Dr Cali khalif Galeyr haduu keeni waayo cadeymahaas inuu waayi doono xilkiisia Xubinta Baarlamaanka.
Dhinaca kale Afhayeenka Madaxweynaha dawlada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yariisow ayaa arrintaasi ka hadlay,waxaana u yiri ‘“Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr waa inuu keenaa caddeymaha haddalada uu ku hadlay ama uu ka bixiyaa raalli-gelin. Waa eedeyn weyn oo uu u gafayo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed. Waa nasiib darro in siyaasiyiinta qaarkood ay rabaan fowdo, kala danbeyn la’aan iyo dowlad la’aan. Siyaasiga dhabta ah ee Soomaaliga ah waa kan ka shaqeeya horumarka, waa kan oggollaada in doorashooyinka looga adkaaday ee ka howlgala sidii dalkan loo gaarsiin lahaa horumar oo ay iyagaba dan ugu jirto. Shacabka iyo Dowladduba waxey sugayaan in si dhab ah loo wada xisaabtamo, dhaliilahana ay noqdaan kuwo wax toosinaya oo abaaraya horumarka”. ‘
Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa horey u sheegey in xildhibaankii dowladda eedeeya isaga oo aanan caddeyn heynin xilka laga qaadi doono, taasina ay wadada u xaareyso in la dacweyn karo.Waxaana wararku sheegayaan in durba Prof Galeyr lagu war galliyey inuu la yimaado cadeyn buuxda.
Ugu dambeyntii Dr Cali Khaliif Galeyr ayaa dhawaan waraysi uu bixiyey ku sheegey in Alshabaab iyo dowladda uu xiriir ka dhaxeeyo, isaga oo farta ku fiiqey madaxweynaha.Waxaana arrintaasi aad uga carooday Madaxda dawladda oo sheegay in hadii uu Dr Galeyr keeni waayo cadeyn dhab uu waayi doono xilkiisa Xildhibaanimo.
[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/08/Voice_019.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com