Muqdisho(AGGM) Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa magaalada Kampala kulan kula qaatay Jaalliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Uganda.
Kulankan oo ka dhacay Hoolka shirarka ee Hotalka Afrikaano oo ka mid ah hoolalka ugu waaweyn magaalada Kampala ayaa waxaa ugu horeyn hadal ka jeediyey xubno ka tirsan Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda oo iyagu uga mahad celiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa sida ay Jaalliyadda iyo ardaydaba fursad ugu siiyeen iney kala hadlaan marxaladda dalkooda islamarkaana xaaladooda ay ogaadaan.
Kadib khudbadaha Jaalliyadda ayaa waxaa kulanka ka hadlay Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha dalka Uganda ayadoo ardaydana fursad loo siiyey iney si toos ah Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa ay usoo weeydiiyeen su’aallo islamarkaana ay tallooyin ugusoo jeediyaan waxaana ay Ardaydu weeydiiyeen wafdiga su’aallo dhowr ah oo u badan Dastuurka dalka in wax laga bedelay,qorshe howleedka Baarlamaanka,mushaaraadka Ciidammada iyo arimmo kale oo badan.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Jaalliyadda iyo Ardayda kasoo qeybgalka kulankan iyo sida ay Dalkooda ugu heelanyihiin hormarkiisa waxaana uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ka jawaabay su’aallo ay Ardayda weeydiiyeen gaar ahaanna su’aallo quseeyey Dastuurka Dalka in wax laga bedelay waxaana uu Gudoomiyaha si rasmi ah ugu cadeeyey Ardayda inaanay jirin cid wax ka bedeshay Dastuurka Dalka ee sida KMGka ahaa loo ansixiyey.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka jawaabay su’aal la xiriirtay mushaaraadka Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa sheegay in dhowaan Baarlamaanka uu go’aamiyey in la kordhiyo mushaarka Ciidammada oo halkii uu horey uga ahaa 100$ oo loo geeyey 30$ oo raashiinkoda ahaa lagana dhigo mushaarka Askariga 200$ sidoo kalena raashiinkiisa laga dhigo 60$ oo ah labalaab tiradii hore go’aankaasina ay Xukuumaddu hirgelisay sidoo kalena wixii hada ka dambeeya aanay Mushaaraadka Ciidammada laga sugi doonin caalamka ee ay Dowladdu bixin doonto ayadoo Ciidammadana ay noqon doonaan cida ugu horeeysa ee lagu bilaabo bixinta Mushaaraadka Dowladda.
Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo isaguna ka hadlay kulanka ayaa ka jawaabay su’aal ay Ardayda qaarkood wafdiga weeydiiyeen oo la xiriirtay in Dowladdu ay maamullada qaarkood ka hor istaagtay in Ardayda ku nool la siiyo deeq Waxbarasho oo dibadda ah waxaana uu Ardayda u sharaxay ineysan jirin arintaasi oo ay Dowladdu mar walba dadaal ugu jirto sidii ay Ardayda Soomaaliyeed ku heli lahaayeen deeqo Waxbarasho oo dibadda ah.
Drso Maryan Cariif Qaasim Gudoomiyaha gudiga Dastuurka ee Baarlamaanka oo iyaduna gebagebadii kulanka ka hadashay ayaa Ardayda uga jawaabtay su’aallo Dastuurka ku saabsanaa gaar ahaanna arinta ay maamul goboleedka Puntland ku sheegeen in Dastuurka wax laga bedelay ayaa waxa ay sheegtay ugu horeyn in Dastuurka isaga oo u qoran sidii loo saxiixay uu yaalo waxaana ay dhanka kale ka warbixisay marxaladaha uu Dastuurka soo maray oo ah Seddex marxaladood tan koobaadna ay aheyd ansixintii ay sida Kmgka aheyd u ansixiyeen ergadii ka koobneyd 825,marxaladda Labaadna ay tahay mid ay Baarlamaanku wax kaga bedelayaan iyo marxaladda Seddexaad oo ah tan ugu dambeeysa taasina ay tahay mid ay Shacabka aragtidooda ku dhiibanayaan oo cida ugu dambeysa ee wax ka bedelaysa Dastuurkana ay tahay shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka ay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa la qaateen Jaalliyadda iyo Ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda ayaa kusoo gebageboobay jawi aad u wanaagsan ayadoo gebagebadii kulankana ay Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda Shahaado sharaf gudoonsiiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.