Kismaayo (AGGM): Labo qof oo rayid ahaa ayaa ku geeriyootay qarax miino
oo maanta ka dhacay xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo.
Dadka dhintay oo la socday gaari Toyota ah ayaa la sheegay in uu jirkooda go’go’ay.
Goobjooge codsaday in aan la magacaabin ayaa dhacdada u sheegay Warbaahinta.
Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo gaaray goobta ayaa billaabay baaritaanno ay ku raadinayaan ciddii ka dambeysay falka.
Ma cadda sababta ka dambaysa qaraxa.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com