Wasaarada Maaliyadda Puntland oo Maanta soo Bandhigtay Lacago Shilin Soomaali ah oo Been Abuur ah“Sawirro”

0

vlcsnap-333331Muqdisho(AGGM) Lacagahani been abuurka ah oo ay soo bandhigtay Wasaarada Maaliyada Puntland ayaa Waxaa ay ku sheegtay in ay ka soo gashay gobollada dhexe ee dalka,waxana wasaarada maaliyada ay Dar daran adag u dirtay ganacsatada Puntland in ay ka foojignaadaan lacagahani oo dhawr jeer ay sheegtay wasaaradu inay soo bandhigtay.

Wasaarada ayaa sheegtay inay dhawaan gubi doonto lacagahani waxana maanta lagu so bandhigay Bankiga lacagta ee magaalada Boosaaso.

Wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada Puntland Cabdiraxman Maxamud  Xaji Xasan oo Wariyaasha la hadlay ayaa Waxa uu sheegay in lacagtam been abuurka ahi ay ka soo gashay Puntland gobollada dhexe ee dalka,waxan ganacsatada uu uga digay in ay isticmaalaan Cidii lagu qabtana talaabo laga qaadi doono.

Wasiirka ayaa sheegay in horoy loo gubay lacag qiima ahaan gaareysa Boqol milyan ila Todobo Boqol kun Sh, Soomaali ah

Si kastaba ha ahate lacagahani been abuurka ah ee wasaarada maaliyada ee Puntland ay maanta soo bandhigtay ayaa dhawanahanba waxaa cabasho xoogan ka muujinayay ganacsatada ku dhaqan magaalada Boosaaso.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

vlcsnap-330789vlcsnap-331764vlcsnap-332075vlcsnap-3331671vlcsnap-333331