Kismaayo(AGGM) Waxaa la yaab leh in nin tiisii daryeeli waayey isla markaasna meel uu cusato garan la,a uu ka hadlo dad jira isla markaasna leh dal ay leeyihiin isla markaasna aan ku hoos nooleyn gumeysi iyo wax ka soo horjeeda midnimadda Soomaaliyeed. Warbaahinta gaarkeed oo laga leeyahay degaanada Sool,Sanaag iyo Cayn waxay caadeysteen aflaagaado iyo been abuur ay ka faafiyaan waxgaradka iyo hogaamada Beesha Sade.
Shabakada Radiolaascaanood.net oo ka mid ah shabakadaha ugu waaweyn warbaahinta ku abtirsata degaanadda SSC ayaa daabacday War been abuur ah kaasi oo aan lahayn sal iyo raad meel uu ku saleysan yahay isla markaasna aflagaado ku ah Col Bare Aadan Shire ( Hiraale),talabadaas oo la garan la yahay meesha ay ka keeneen.
Sida ay saraakisha Maamulka Bare Hiraale saacadihii la soo dhaafey u beeniyeen wararkaasi uu qorey Warbaahinta Radiolaascaanood.net ayaa ah mid la yaab leh isla markaasna meel ka dhac ku ah sharafta iyo jiritaanka Beesha Sade,Waxaana Warbaahintaasi soo hadal qaaday hadalo ay ka mid yihiin, ” Bare Hiiraale Oo Meel Uu Aad Garan Waayey,Cafisna Weydiistey Axmed Madoobe” miyeysan ahayn habaar iyo wax ka liita. Tan kale ee ka daran waxay ahayd ” Bare Hiiraale Oo Doonaya inuu Cafis Waydiisto Beesha Darood ee uu qaladka ka galay ”.
Nin Hubkiisa Cadawgii U Dhiibaya Oo Leh Kaalay Igu Dil.
Ma Maqashay mase aragtey Qabiilo dagaalamaya oo qabiil ka mid ahi iyadoo colaadii taagan tahay hubkiisa oo nooc kasta leh ku wareejinaya cadawgiisa isla markaasna ka iibsanaya oo hadhaw lagu soo wareerayo isla markaasna lagu xasuuqayo,marka la xasuuqana tv-yada iyo idaacadaha soo istaagaya oo sheegaya in la xasuuqay,waa arrin murugo leh.
Radiolaascaanood.net Daroodka Aad Sheegeysaa Meeye,Laascaanood, Magaalo Madaxii Dhulbahante Meeday ?
Kooxda Qorta Warbaahinta Radiolaascaanood.net miyey waalan yihijn daroodka ay sheegayaan maxay u xoreyn waayeen,degaanada Sool,Sanaag Iyo Cayn ee Maamulka Somaliland Maamulo isla markaasna ay inta badan ka sheegayaan in lagu xasuuqo isla markaasna maamulka Somaliland dhibaato ku hayo.
Dad waxaa ugu dhaw Maamulka Puntland marka laga hadlo Daroodnimo, May kuwaasi daroodnimo kugu hiiliyaan isla markaasan cadawga aad sheegto ee 24 saac madaxa ka tumaya ka dhiciyaan isla markaasna ku xoreyaan degaanada aad sheegayso in Maamulka Somaliland xooga ku haystaan.
Hadii daroodnimo jirto Maxaad Tiknikadiina Maalin kasta ugu geysaan Somaliland isla markaasna aad uga carartaan daroodka aad sheegeysaan ee ku nool degaanada kugu dhaw dhaw sida degaanada Puntland. Maxaad Tiknikadda tiradda badan ee aad Maamulka Somaliland u geynaysaan ugu xoreyn waydeen degaanadiina.
Ma Taqaan Qabiil Soomaaliyeed Oo Maanta Qabiil Kale Dhulkiisii Ku Maamulayo?
Intii ka dambeysay burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya,waxaa dalka soomaaliya noqday gobolo ay maamulaan qabiil kasta ee degaa isla markaasna aysan dhicin in inta qabiil kale qabiil ku duulo oo uu xoog ku maamulo isla markaasna mabaa’diidisan ka fushado,balse waxaa jira qabiil qabiil kale xilligan xoog ku haysto isla markaasan dad kale oo aanay waliigood gaari karin intaas aflaagaadenaynayaan.
Col Bare Aadan Shire Waa Nin Tolkiis Wata Isla Markaasna Maahan Nin Gacmaha Dad Kale Hoos Hoorsada.
Col Bare Aadan Shire waa halyey si weyn looga yaqaano Degaanada Soomaalida oo idil Waa ninka kaliya ee ka soo jeeda degaanada Jubooyinka isla markaasna aan ogoleyn inuu cid hoos ordo isla markaasna uu gacmo hoorsado in isaga la hoos ordo mooye,tan kale Bare Hiiraale waxaa uu haystaa rag u diyaar ah inay dalkooda xoreystaan isla markaasan awood u leh inay cid kasta oo dalka iyo dadka ku xadgudubtka ka difaacan. Mana ahaa sida kuwa Gacmaha hoorsada Maamuladda Puntland iyo Somaliland ee shilimaadka yar ku iibsada jirintaankooda iyo nasabiyadooda.
Col Bare Aadan Shire Iyo Awoodiisa Ciidan.
Col Bare Aadan Shiire Hiiraale waxaa uu haysataa awood ciidan oo xoogan,waxaana uu Magaalada Kismaayo un jiraa wax ka yar 10 KM oo ay ku ogyihiin ciidamadii Magaalada ka saaray ee dawlada Kiiniya iyo kuwa Jabhadda Raaskambooni,Ma jirto wax waan waan ah oo ka dhaxeysaa Col Bare Aadan Shire iyo Jabhadda Raaskambooni,mana dhici doonto taasi. Ciidamadda Jabahdda Raaskambooni awood ciidan oo ay kaga hortagaan ma leh Col Bare Aadan Shire, hadii ay haystaana mar hore bay weerari lahayeen. Taasina waxay ku cadeynaysaa in ciidamada Kiiniya la,aantood aan Col Bare Iyo Awoodisa ciidan la hor istaagi karin.
Ugu dambeyntii Shabakadda Laascaanood.net waxaan u sheegeynaa inay iska yareyso beenaha iyo borobogaanadda ay la wareegeyso isla markaasna ay garato danteeda,balse aysan ku mashquulin Col Bare Aadan Shire. Tan kale Waxaa la garan la,yahay in Shabakadda radiolaascaanood.net iyo kuwa la mid ahi kala garan waayeen Col Bare Aadan Shire,Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) & Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo isku haysta Maamulka dadka iyo dalka Degaanada Sool,sanaag iyo cayn.
Halkan ka akhri beenta: http://http://radiolaascaanood.net/?p=5246
Daawo: Miyey Ilaaween Arrintan,Maxaa Ka Si Ah Radiolaascaanood.net
Afeef: Allgalgaduud Masuul Kama Ahan Qoraalka Iyo Rayi’iga Uu Xambaarsan Yahay,Waxay U Gaar Tahay Qoraaga Ku Saxeexan.
Daahir Warsame Jaamac,
Helsink,Finland.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com