Muqdisho(AGGM) Maanta waxaa Magaalada Jowhar ka dhacay qarax miino kaasi oo khasaare ka soo gaaray dad shacab ah oo aan waxba galabsan,waxaana qaraxaasi la sheegay in la dhex galiyey wado dhinaceedda gaar ahaan geed hoostiis,waxaana lala damacsanayaa saraakiil ka tirsan ciidamada dawlada oo wadadaas adeegsada.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxan lala beegsaday mid kamid ah baabuurka saraakiisha dowlada hoose ee degmada Jowhar. Hase yeeshee sarkaalkan ayaa ka badbaaday iyadoo aysan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray. Waxaana markiiba halkaas baaritaan ka bilaabay ciidamada dawlada ee magaalada Jowhar.
Qaraxan ayaa waxaa dhaawac uu ka soo gaaray haweenay ku sugnayd gurigeeda oo ku yaal xaafada Kulmis ee degmada Jowhar iyadoo qaraxana uu ka dhacay xaafada Hantiwadaag ee magaalada Jowhar. Waxaana haweenaydaas hadda lagu daawaynayaal isbitaalka ku yaala Magaalada Jowhar.
Ugu dambeyntii firirka ka baxay qaraxanoo u badnaa biro ayaa gaaray deegaano ka fog fog halka qaraxa uu ka dhacay. Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada milatariga degmada Jowhar ayaa gaaray goobta uu qaraxa uu ka dhacay, hase yeeshee ma jiro cid loo soo qabtay qaraxan. Waxaana qaraxyadan qayb ka yihin falalka amaan darro ee kooxda Alshabaab ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.
[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/08/DHAGEYSO-DAAUUD-XAAJI-.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com