Kiiniya: Masuulkii Dawladu Uu Soo Magacawdo Dekadda Iyo Airport Waanu Ku Wareejineynaa

0

DN+Kismayu+2105f.1.2+pxNairobi(AGGM) Dowladda Kenya ayaa shalay ka hadashay go’aankii madaxda dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waxayna sheegtey in ay diyaar u tahay in ay wareejiso dekada iyo garoonka Kismaayo,isla markaasna ku wareejiso cid kasta oo dawlada federaalka ah ee Soomaaliya u soo magacawdo xaaladahaa Gobollada Jubooyinka ka taagan.

Balse in cidda lagu wareejinayo ay tahay cid la aqoonsanyahay oo masuul ah, sida uu shir jaraa;id ka sheegey xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha dibada Kenya Karanja Kibicho,isla markaasna ka soo bixi kara hawlaha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya u xil saaratey.

Waxa uu sheegey in ciidamada Kenya aysan isaga bixi karin Kismaayo, iyada oo taasi uu sheegey in ay fursad siineyso Alshabaab, ama qalalaase kale uu magaalada ka qarxi karo. Sidoo kale waxaa uu shaaciyey in Alshabaab ay hadda ku xoogan yihiin gobollada Jubooyinka isla markaasna ay meel kasta ku sugan yihiin marka laga reebo dhawr meelood oo cidamadooda iyo kuwa Jabhadda Raaskambooni ku sugan yihin.

Ugu dambeyntii waxaa garab fadhiyey la taliyaha wasaaradda Zaddock Madiri Syong’oh, wuxuu sheegey in ciidamadda Amisom ay hareereyn ku jiraan, aysan jirin meel ay u dhaqaaqi karaan, sababtuna tahay in haddii ay talaabo qaadaan ay Alshabaab dib ula wareegeyso meelihii horey loo xoreeyey, sida uu hadalka u dhigey.

Ugu dambeyntii hadalkan dawlada kiiniya ka soo baxay ayaa ah mid cadeynaya inay u hogaansantey qodobadii ka soo baxay dalka Uganda halkaasi oo ay ku kulmeen madaxda ciidamadoodu ku sugan yihiin dalka Soomaaliya isla markaasna looga hadlay sidii xaalada kismaayo ay ciidamada kiiniya faraha uga bixi lahayeen uguna ekaan lahayeen hawlahooda nabad ilaalineed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com