Alshabaab Oo Saacado Kooban La Wareegay Degmadda Afmadow Dishayna Ciidamo Ka Tirsan Raaskambooni

0

photowideKismaayo(AGGM) Falaagada Alshabaab oo xalay weerar culus dhaw jiho oo kala duwan kaga soo qaaday Degmadda Afmadow ee gobolka Jubadda hoose ayaa la sheegay inay u suuro gashay inay halkaasi mudo kooban la wareegaan isla markaasna nolosha ku qabtaan Askar ka tirsan Jabhadda Raaskmabooni.

Ciidamada Alshabaab ayaa ka sheegay inay weerarkooda bartilmaameed uga dhigteen farisiin ay fadhiyeen ciidamo tiro yar ka ka tirsanaa kuwa Jabhadda Raaskambooni,waxaana la sheegay inay isla markiibka xoog kula wareegeen farisiimahaasi oo ay ka mid ahayeen saldhiga booliska degmadaasi.

Ciidamada Alshabaab ayaa la sheegay inay dileen in ka badan 10 askari oo ka tirsanaa Jabhadda Raaskambooni,waxaana la sheegay inay qaarkood gawraaceen,waxaana ay halkaasi kula wareegeen hub iyo rasaas ay lahayeen ciidamada Jabhadda Raaskambooni ee hallkaasi ku sugnaa.

Sidoo kale Falaagada Alshabaab ayaa la sheegay inay ka dhiinteen 3 askari oo halka ay dhawr kalena ka dhaawacmeen, dagaalkaasi waxaa la sheegay inay xalay markii dambe ciidamada dawlada kiiniya ku soo biireen isla markaasna ay sababteyn inay shabaabku halkaasi dib uga baxaan isla markaasna ku laabtaan degaanadii ay weerarka ka soo qaadeen.

Ugu dambeyntii Saraakisha Alshabaab oo dagaalkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay saacado kooban iyagu maamulayeen gacan ku haynta Magaalada Afmadow isla markaasna uu weerarkani uu qayb ka yahay weerarada ay laba jibaareen intii bisha Ramadaam lagu gudo jirey,mana cid ka tirsan Jabhadda Raaskambooni oo weerarkaasi ka hadashay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com