Qarax Galkacayo Ka Dhacay & Anooyin Qabiil Oo Laba Ruux Loo Dilay

0

galkacayo1Galkacayo(AGGM) Xaalada magaalada Galkacayo ayaa saaka ah mid kacsan,waxaana arriintaasi ka dambeysay markii xalay gudaha Magaalada galkacayo si bareer ah loogu dilay laba ruux oo shacab ah kuwaasi oo dadka ku dhaqan magaalada Galkacayo ay sheegayaan inay salka ku hayso anooyin qabiil.

Kooxo hubeysanaa ayaa la sheegay inay dil xalay ka geysteen xaafadaha waqooyiga Galkacayo,waxaana la sheegaya inay dilalkaasi salka ku hayaan aanooyin qabiil oo ka dhex aloosan waqooyiga Galkacayo & koonfurta Magaalada galkacayo,waxaana la sheegaya in dilkan xalay dhacay uu salka ku hayo anooyiin qabiil oo soo noqnoqday.

Dilalkan kala ka dhacaya Magaalada Galkacayo ayaa la cabsi qabaa inay keenaan dilal hor leh oo dhexmara labada dhinac ee waqooyiga iyo koonfurta Galkacayo oo ay dhexmareen dilal in badan oo noqnoqda kuwaasi oo aan wali wax xal ah loo helin,waxaana la sheegayaa inay saaka arrimahaasi ku hawlan yihiin waxgaradka labada dhinac.

Sidoo kale waxaa xalay ka dhacay Magaalada Galkacayo qarax aad u xoogan kaasi oo sababay khasaare soo gaarey ruuxii qaraxaasi ku duugayey dhulka oo la aaminsanaa inuu ahaa Alshabaab isla markaasna doonayey inuu dad shacab ah ku halaago qaraxaasi,waxaana saaka maydkiisa lagu arkay meeshii uu qaraxa ku duugayey.

Ugu dambeyntii Xaalada Galkacayo ee dhinaca amniga ayaa ah mid aan laysku haleyn karin hadii al fiirsho mid qabiil iyo mid alshabaab ba,waxaana inta badan ka dhaca falal kala duwan oo waxyeelo ka soo gaarto dad shacab ah oo aan waxba galabsan,mana jirana cid ku guuleystey wax ka qabshadda dhibaatada ka taagan gobolka Mudug iyadoo dhawaan xasuuq loogu geystey qoys dhan dhinaca koofureed ee Magaalada Galkacayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com