Hargeysa(AGGM) Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaanay waxba ka khusayn war sheegayay in dawladda Federaalka Soomaaliya ay heshiis la gashay shirkad ajanabi ah oo u ilaalisa xeebta dalkeeda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay in xeebaha Somaliland ay yihiin kuwo sugan oo ay ilaalintooda ku filan yihiin ciidammadda ilaalada xeebaha oo hoos yimaada maamul ahaan wasaaradiisa.
Md. Cali Waran-cadde oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu yidhi “Somaliland badeeda iyadaa u madax-banaan, shirkaddo lagu wareejiyeyna ma jiraan, cid kale oo wax ku wareejin kartaana ma jiraan,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiliga Somaliland.”
Wasiirku oo hadalkiisa sii wadatay waxa uu intaas ku ladhay “Badduna waxay hoos yimaadaan wasaaraddan arrimaha gudaha , anigaana ka madax ah, aniguna cid kale oo aan wax uga ogollahayna ma jiraan.”
Wasiirka oo daba socday heshiiska Soomaaliya la gashay shirkadda ajanabiga ah, waxa uu yidhi “Anigu waxaan filayaa inay fulinayaan heshiiskii Kampala (Kampala Acode), taasina maaha mid Somaliland khusaysa.”
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com