Buubaa: Kismaayo Haddii Xal Loo Rabo Ciidamada Kenya Ha Laga Soo Saaro

0

Buubaab1Kismaayo(AGGM) Siyaasiga caanka ee Ismaaciil Hure Buubaa oo xilal kala duwan ka soo qabtey dawladihii hore ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xalka Soomaaliya iyo xaaladaha hadda ka taagan Gobolka Jubadda Hoose,Waxaana uu sheegay siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa in xalka gobolka jubadda hoose tahay in ciidamada dalka kiiniya ka baxaan soomaaliya.

Mr Buubaa ayaa tilmaamay in haddii xal loo rabo Kismaayo ay haboontahay in la soo bedelo Ciidamada Kenya oo halkaasi la geeyo Ciidamo kale oo ka tirsan Amisom oo lagu aamini karo Ammaanka Jubbooyinka , isagoo carabka ku adkeeyay in taasi ay tahay sababta kaliya ee lagu hakin karo qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Jubbooyinka islamarkaana ay meesha ka saari karto dhaliilaha soo laalaabtay ee loo jeediyo Ciidamada Kenya.

Buuba waxaa uu sheegey in dhulka Soomaali leedahay isla markaasna aysan macquul ahayn in askari ka tirsan dawlada kiiniya uu u cago jugleeyo shacabka Soomaaliyeed isla markaasna dhibaato soo gaarsiiyo,waxaana uu daboolka ka qaaday in loo baahan yahay in dhibaatada laga daayo shacabka soomaaliyeed dhulkoodana looga baxo.

Ugu dambeyntii waxaa hadalkan buubaa imaanayaa xilli ciidamada dawlada kiiniya ay dhibaato xoogan ka geysteen dhulka Soomaaliya isla markaasna ay dhibaato xoogan ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Jubadda hoose,waxaana uu hadda ka hor eedeymo culus u jeediyey Madaxda dalka Soomaaliya ciidamada kiiniya dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaaiyeed.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com