Madaxweynayaal Ka Wada Xaajoonaya Amisom Iyo Xaalada Kismaayo

0

xasanow-museveni_8Kampala(AGGM) Madaxweyneyaasha Ciidamada Amisom ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay maalmaha soo socda ka wada hadli doonana hawlgaladda Ciidamadda Amisom ka wadaan gudaha Soomaaliya iyo caqabadaha ciidamada Kiiniya ku hayaan Hawlgalka Nabad ilaalineed ee dalka Soomaaliya.

Madaxweyneyaashan waxaa qayb ka noqon doona Madaxweynaha dalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud,waxaana kulankaasi yahay mid diirada lagu saari doono hawlgalladda ciidamada Amisom ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya iyo arrimaha la dagaalanka Falaagada Alshabaab.

Sidoo kale qodobka muhiimka ah ee kulankaasi lagu wado in lagu soo qaado ayaa ah in ciidamada dawlada kiiniya oo markii hore si sharci darro ah ku soo galay gudaha dalka soomaaliya la geeyo meel ka duwan Magaalada Kismaayo gaar ahaan gobolada dhexe ee soomaaliya halkaasi oo ay farisiin ku yeelan doonaan.

Kulankan waxaa ka mid ah madaxweynayaasha ka qayb galaya kuwa dalalkam Jabuuti, Burundi, Siraliyoon,Kiiniya  Uganda & madaxweynaha Soomaaliya,waxaana halkaasi looga wada hadli doonaan sidii ciidamada Amisom ee ku sugan dalka Soomaaliya ay dawladda soomaaliyeed uala shaqeyn lahayeen.

Sida Saraakiil ka tirsan dawlada Uganda warbaahinta u sheegeen waxaa lagu wadaa in kulankaasi uu ka dhaco meesha lagu magacaabo Impireal Resort Munyono oo ah meel lagu raaxeysto,waxaana halkaasi lagu lafo guri doonaan arrimaha ciidamada Amisom ee ka hawlgala dalka Soomaaliya iyadoo diiradda la saari doono dhibaatada laga sheeganayo Xaalada Kismaayo.

Shir Madaxeedkan ayaa ah mid deg deg ah kaasi oo lagu wado inuu qabsoomo dhamaadka todobaadkan gaar ahaan Maalinimadda Axadda ah,waxaana kulankani yahay kii ugu horeyey ee ay yeeshaan Madaxweyneyaasha Ciidamadoodu nabad ilaalinta u joogaan wadanka Soomaaliya,waxaana kulankaasi lagu lafo guri doonaan sidii xaalada Soomaaliya nabad buuxda lagu soo dabaali lahaa.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu madaxdaasi u jeediyo khubad Muhiim ah oo ku aadan hawlgaladda ciidamada Amisom ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya,waxaana sidoo kale la sheegaya inuu halkaasi ka jeedin doono dhaliilaha ciidamada Kiiniya ee ku aadan xaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com