Baladweyne(AGGM) Maanta waxaa gudaha Magaalada Baladweyne lagu soo bandhigay ninkii dilay gudoomiyii Maxkamadda Garsoorka Magaalada Baladweyne oo la dilay 10 maalin ka hor,waxaana dilkaasi loo soo qabtey kooxo dhalinyarro ah kuwaasi oo xiriir la laaha Alshababaab.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa maanta Xarunta Maamulkooda ku soo bandhigey Gacan ku dhiiglihii dilay masuulkaasi,waxaana ay sheegeen inuu qirtey inuu ka dambeeyey dilkii loo geystey gudoomiyihii Maxkamadda Garsoorka Magaalada Baladweyne,waxaana ay sheegeen in la marsiin doono wixii shareecada islaamku ka qabto ninkaasi.
Taliyaha qeebta saldhiga Buliiska ee Magaalada Baladweyne korneel Cali Cabdi Mahadalle oo ka hadlayay fagaarihii lagu soo bandhigay gacan kudhiiglahaan ayaa sheegay in uu jiro nin kale oo falkaasi dilka ahaa lug ku lahaa balse uu baxsaday. Waxaana uu shaaciyey in baadi goobkiisa wali lagu dabo jiro dhawaana gacan lagu soo dhigi doono.
Eheladda Masuulka la dilay ayaa sheegay inay ku qancaan wixii maxkamadda Garsoorka Magaalada Baladweyne ku xukunto gacan ku dhiiglahan iyagoo sheegay inay Maamulka Gobolka Hiiraan uga fadhiyaan inay gacanta ku soo dhigaan ninkii kale ee dilkaasi gacanta ka geystey kaasi oo baxsaday.
Ugu dambeynii Ninkan dilka geystey ee qirtey inuu dilay masuulkaasi ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda Maxkamadda Gobolka Hiiran ay xukun ku rido iyadoo loo badinayo in xukunkaasi noqon doono mid toogasho ah isla markaasna lagu fulin doono ninkaasi oo qirtey inuu dilay Masuulkaasi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com