Muqdisho(AGGM) Wararka Warbaahinta Allgalgaduud ka helayso Xarunta gobolka Hiraan ee Magaalada Baladweyne ayaa shaacinaya inay mardhaw la dilay afhayeenkii odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan,waxaana la sheegaya inay dilkiisa fuliyeen koox bistoolado ku hubeysanaa.
Marxuumkan ayaa la sheegaya in la toogtey xilli uu ka soo baxay Masjid ku yaala Xaafada Hawlwadaag ee Magaalada Baladweyne,waxaana la xaqiijiyey inay dilkiisa ka dambeeyeen kooxo bistoolado ku hubeysnaa isla markaasna goobta dilku ka dhacay ka baxsaday.
Marxuumkan ayaa lagu magacaabi jirey Xuseen Cilmi Ibraahim oo ahaa Afhayeenkii Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan,waxaana la aaminsan yahay inay dilkiisa ka dambeeyeen kooxda falaagada Alshabaab kuwaasi oo inta badan ugaarsada dadka shacabka ah iyo waxgaradka degaanka.
Ugu dambeyntii ciidamada Maamulka gobolka Hiiraan ayaa Xaafada Hawlwadaag ka bilaabaya hawlgallo ay ku baarayaan kooxihi dilkaasi fuliyey balse kuma guuleysan inay gacanta ku soo dhigaan cidii dilkaasi ka dambeysay. Sidoo kale waxaa dilkan ku soo beegmaya xilli amanta Maamulka Gobolka hiiraan soo bandhigen gacan ku dhiig lihi dilay Gudoomiyihi maxkamada garsoorka Magaalada Baladweyne kaasi oo gacanta lagu soo dhigey.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com