Muqdisho(AGGM) Shiikh Xasan Daahir oo Mudo ku sugnaa Xarunta Ciidamada Nabadsugidda Soomaaliya ee ku taala Degmada Shibis ee gobolka Banadir ayaa la sheegayaa in maalmaha soo socda loo wareejin doono Xarunta Madaxtooyadda Viila Soomaaliya halkaasi oo la sheegay in lagu sii hayn doono ilaa muddo kooban.
Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa la shaaciyey in dhamaan wixii su,aalo la waydiin lahaa iyo xog laga dhameystey isla markaasna hadda lagu wadaa in la geeyo Xaruntada Madaxtooyadda Villa Soomaaliya halkaasi oo uu ku sugnaan doono mudo kooban isla markaasna wararaka qaarkood sheegayaan in loo gudbin doono wadamo carbeed oo magangalyo siinaya.
Sharuudaha Shiikh Xasan Daahir LaguĀ Xirey Waxaa Ka Mid Ah:
- Inuu ka baxay ururka Argagixisada Ah Ee Alshabaab isla Markaasna uusan ku qanacsaneyn qaabka ay wax u wadaan.
- Inuu ka TanaasuloMawqifka Xagjirnimadda ah ee sida Jihaadka & dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed.
In Shiikh Xasan Daahir Aweys laga saaro Xarunta Dambi baarista Ciidamada nabadsugidda ayaa la sheegay inay ka dambaysay ka dib wada hadal dhexmarey dawlada federaalka ah iyo dawladaha Qadar & Sucuudiga,waxaana la sheegay inay isla garteen in goobta lagu hayo Shiikh Xasan laga bedelo isla markaasna la geeyo hoyga Raisalwasaraha iyo Madaxweynaha ee Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyntii labadaas dal ee Qadar iyo Sucuudiga ayaa la sheegay inay u kala tartamayaan sidii Shiikh Xasan Daahir ay Hoy uga siin lahayeen labadaas dal midkooda,waxaana labada dal hadda wadaan tartan ay ugu jiraan inuu Xasan Daahir ka tanaasulo hadafkiisa isla markaasna ay magangalyo u siiyaan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com