Caabduwaaq(AGGM) Maamulka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud ayaa sheegay in walxaha qarxa ee haraadiga ah ay dhibaato xoog leh ku hayaan dadka reer miyiga ah ee ku nool hareeraha magaaladaasi, iyo tuulooyinka hoostaga, iyagoo ku baaqay in degaanka laga hirheliyo olole lagu wacyigellinayo qatara walxahaasi.
Iyadoo Miinooyin Farabadan iyo walxaha qarxa ay daadsanyihiin deegaanno ka titsan gobollada dhexe gaar ahaan gobolka Galgaduud isla markaana ay waxyeelo daran ka soo gaarto dadka iyo duunyada ayaa maamulka degmada Cabuudwaaq wax uu cabasho xooggan ka muujiyay dhibaatooyinka ay bulshada ku hayaan walxahaasi.
Gudoomiyaha degmada Cabuudwaaq Axmed Maxamed Jaamac ayaa Saxafadda u sheegay in Bulshada deegaanka gaar ahaan dadka barakacayaasha ah ay dhibaatooyin farabadan ku hayaan Miinooyinka dhulka ku aasan iyo walxaha kale qarxa, kuwaas oo lagu daadiyay xilligii 1991-dii oo deegaanka ay ka jireen dagaallo xooggan.
‘’Xilligii 1991 -1992 waxaa deegaanka ka dhacay dagaallo sokeeye waxaana lagu daadiyay miinooyin iyo walxaha qarxa, walina wey ku jiraan deegaanka dhibaatada ugu darana waxey ka soo gaarta dadka iyo xoolaha’’ ayuu yiri guddoomiyaha degmada Cabuud waaq Axmed Maxamed Jaamac.
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in maamulka degmada Cabuudwaaq uusan awood u laheyn soo saaridda walxahaasi qarxa, waxa uuna ka codsaday hey’adaha ku shaqada leh Miino barista in ay ka howlgalaan deegaanka si loo badbaadiyo nolosha dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannadaasi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com