Wada Hadaladii Isra’iil Iyo Falastiin Oo Maanta Dib U Furmaya.

0

top-newsWashington DC: Israel iyo Falastiin wadahadalkii u dhaxeeyay ayaa maanta oo isniin ah dib kaga bilaabanaya magaalada Washington ee dalka Mareykanka, sidaasina waxaa laga dhawaaqay waaxda arimaha dibada ee dalka Mareykanka.

Wadahadalada oo dib u dhacay waxii ka dambeeyay 2010, ayaa dib u bilaabanaya kadib markii uu kasoo shaqeeyay xoghayha arimaha dibada dalka Mareykanka John Kerry.

Warka kaso baxay wasaarada arimaha dibada ee dalka Mareykanka ayaa kusoo aaday saacado kadib markii Israel ay ansixiyay sii deynta inka badan 100 maxaabiis falastiiniyiin ah.

Sii deynta  oo ay ku kala jabeen golaha wasiirada ayaa la sheegay inay qaadan doonaan marxalado kala duwan oo biloyin ah.

Afhayeenka waaxda arimaha dibada Mareykanka Jen Psaki ayaa sheegtay in wadahadalka ugu dambeeyay inay bilaaban maqribnimada caawa ayna ku eg yihiin maalinta berito ah.

Waxay sheegtay ion xoghayaha arimaha dibada dalka Mareykanka uu u yeeray ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo  Mahmoud Abbas  iyagana ay aqbaleen inay maanta wadahadlaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com