Magaalada Jowhar Oo Saaka Guri Guri Loo Baarayo.

0

JowharJowhar (AGGM): Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda howl gal gur guri lagu baarayo ka wadaan xaafada Hantiwadaag, iyadoo uu hakad ku jiro dhaq dhaqaaqa ganacsi.

Waloow aan la sheegin cid lagu soo qabtay howl galkan, ayaa hadana waxaa lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu cuslaa ee magaalada soo mara tan iyo markii ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo AMISOM sanadkii hore.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii kulan todobaadkii hore uu ka dhacay Guriga Gobolka oo ay isugu yimaadeen Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee Gobolka iyo Mas’uuliyiinta Maamulka, kaasoo laga soo saaray in howl galo baaritaano iyo hub ka dhigis la sameeyo.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Cabdi Jiinow ayaa goor sii horeysay sheegay in hubka uu gacanta ugu jiro shacabka, isla markaana howl galka la sameynayo uu ku wajahan yahay mid hub ka dhigis ah.

Sidoo kale waxaa Dagaalo beeleedyo dhowaan ka dhaceen deegaano u dhow dhow Jowhar kuwaas oo ay ka dhasheen qasaaro iskugu jiray dhimasho iyo dhaawac, iyadoo maamulka gobolka uu heshiis xabad joojin kala dhex dhigay beelihii dagaalamay.

Dhinaca kale dagaal beeleedkan ayaa ka dhacay deegaanada hoos yimaada Jowhar ayaa hadana waxaa jiray weeraro bambaano oo ka dhacay Jowhar, kaasoo lagu bartilmaameedsaday saraakiil ciidan, iyadoo labo bil ka hor la dilay Gudoomiyihii Xaafada Hantiwadaag.

Isku soo wada duuboo howl galkan saaka ka socda magaalada Jowhar ayaa ku soo beegmaya, iyadoo xaalada magaalada ay mudooyinkii ugu dambeeyay ay ahayd mid aad u degan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com