Wasiiradda Arrimaha Dibadda Oo Hortagtay Baarlamaanka Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka Oo Maanta Hortagaya Baarlamaanka.

0

baarlamaanka2_large2Muqdisho (AGGM): Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  shalay kulan ay ku yeesheen xarunta golaha Shacabka waxa ku dhageysteen aqrinta 3aad Hindise Sharciyeedka Shaqada ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga oo ay horey Wasaaraddu ugu u soo gudbisay baarlamaanka.

Kulankii shalay waxaa shir guddoominayay Guddoomiya Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, iyadoo ajandaha kulanka uu ahaa aqrinta 3aad Hindise Sharciyeedka Shaqada ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, waxaana  kulanka soo xaadiray 157 mudane, waxaana goobjoog ka ahaa kulanka wasiirka arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Xaaji Aadan oo Su’aalo ku saabsan sharciga uga jawaabaysay Xildhibaannada.

Guddiga arrimaha dibadda Barlamanka Somaliya ayaa warbixin ka siiyay xildhibaannadii soo xaadiray kulankaasi, iyagoo sheegay inay tifaftireen sharcigaasi, qaar ka mid ah mudanayaasha ayaa dooda loo furay, kuwaaasi oo ka hadlayay qaabka ay u arkaan hindise sharciyeedka shaqada ee Wasaaradda arrimaha dibadda oo ay Baarlamaanka u soo gudbisay.

Dood dheer kadib Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in hindise sharciyeedka markale laga doodi doono maanta oo axad ah oo mar kale uu baarlamaanku shir yeelanayo . sidoo kale kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa lagu wadaa inuu hortago  wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka c/kariin xuseen guuleed kaas oo su,aalo laga weydiin doono amniga dalka gaar ahaan gobolada banaadir iyo Sh/hoose oo dhawaan dagaallo ka dhaceen.

Dhinaca kale maanta ayaa lagu wadaa in wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya uu maanta hortagayo Baarlamaanka Soomaaliya si wax looga weydiiyo arrimaha ammaanka magaalada Muqdisho oo faraha ka baxay, iyadoo Guddiga amniga baarlamaanka Soomaaliya ay sheegeen in wasiirka aysan ka yeeli doonin wax aan ka aheyn in amaanka Muqdisho si degdeg ah uu u soo celiyo haddii kale uu xilka dhigo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com