Hargeysa (AGGM): Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Bixi Yoonis ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa waxa uu ka hadlay mowqifka ay Dowladiisu ka taagan tahay shirka New Deal ee la filayo inuu dhowaan ka dhaco magaalada Brugseles ee wadanka Belgium, wuxuuna Wasiirku sheegay inaysan shirkaasi ka qeyb galeynin.
“Qadiyadda Somaliland iyo Xamar way kala gedisan yihiin, sidaa daraadeed waanu tageynaa magaalada Brugseles balse kama qeyb galeyno shirka Soomaalida loo qabanayo” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.
Md. Maxamed Biixi Yoonis oo shalay khudbad ka jeedinayay munaasabadda uu xilka kula wareegayay ayaa sheegay inaan laga leex leexan danaha Somaliland oo maanta u baahan ictiraaf inay ka hesho dunida caalamka.
Waxa uu sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland in magaalada Brugseles ay kula kulmayaan madax ka tirsan Midowga Yurub, isagoona sheegay inuu kala hadlayo sidii Midowga Yurub uu u ictiraafi lahaa Somaliland iyo kordhinta kaalmada uu siiyo Somaliland.
Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegay wafdi ka socda Midowga Yurub oo tegay magaalada Hargeysa y ku qanciyeen soo jeedinta Dowladda Somaliland ee ku aadan shirka New Deal oo ku wajahan qorshaha cusub ee Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Somaliland ay maanta u baahan tahay horumarin, halka uu sheegay in Xamarna inay u baahan tahay sidii looga taageeri lahaa nabadgelyada, wuxuuna Wasiirku daboolka ka qaaday inuu dadaal ballaaran u gelayo sidii Somaliland ay caalamka uga heli lahayd aqoonsi.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com