Dowladda Turkiga Oo Sheegtay In Weerarkii Shalay Uusan Hakad Gelindoonin Hoowlihi Ay Ka Wadday Soomaaliya.

0

Ahmet DavutoğluMuqdisho (AGGM): Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in weerarkii shalay uusan hakad  gelindoonin howliihii ay ka wadeen magaalada Muqdisho.

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowlada Turkiga ayaa lagu cambaareyay weerarkii shalay lagu qaaday muwaadiniintooda,  waxeyna wasaaraddu tilmaantay in uu hal askari kaga geeriyooday weerarkaasi, iyadoo intaasi ku dartay in ciidamada Turkigu ay fashiliyeen dhagar qabayaashii weerarkaasi geystay.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Axmed Daa’uud Ogle (Ahmet Davutoğlu) ayaa sheegay iney si weyn uga xunyihiin arrinkaasi,  wuxuuna si gaara ugu mahadceliyay ciidamada Ammaanka ee fashikiyay weerarkaasi, isagoo hoosta ka xariiqay inusan marnaba niyad jebineynin weerarkaasi,  islamarkaana ay sii wadidoonaan mashaariicdii ay ka wadaan Soomaaliya.

Dhanka kale ururka iskaashiga Islaamka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkaasi iyagoo ku tilmaamay fal wuxuushino ah waxeyna dalalka islaamku muujiyeen sida ay uga xunyihiin weerarkaasi fulaynimada ah.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa  kooxo dhagarqabayaal ah waxey weeraro ismiidaamin ah ku qaadeen guri ay deganaayeen muwaadiin Turki ah hase yeeshee ciidamada ammaanka ayaa fashiliyay oo hoos u dhigay qasaarihii weerarkaasi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com