Muqdisho (AGGM): Dowladda Maraykanka ayaa si kulul u canbareysay weerarka
argagixiso ee lagu qaaday dhismo taabacsan safarada Turkiga uu ku leeyahay Muqdisho.
Afhayeen u hadashay Wasarada Arrimaha Dibadda wadanka Maraykanka oo lagu magacaabo Jen Psaki ayaa sheegtay in dowaldda Turkiga uga tacsiyadenayaan shaqaalihi wax yeeladu ay kaga soo gaartay weerarkasi.
Maraykanka waxa uuu ku celiyay sida ay u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliya uuna sii wadi doono wada shaqeenta dowladda Turkiga iyo dhamaan beesha calamka oo diyaar u ah dajinta iyo xasiloonida wadanka Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com