Afhayeenka Maleeshiyo Beeleedka raaskambooni oo xiriir dhanka telefoonka ah la soo sameeyay Mamulka Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu u dhacay sidan soo socota.
Seeraar: Salaamu Calaykum
AGGM: Wacalaykumu Salaam
AGGM: Waa Qofma?
Seeraar: Walaaloow nin la yiraahdo C/naasir Seeraar oo ah Afhayeenka Maamulka Jubbaland
Seeraar: Waxaan doonayay Maamulka Allgalgaduud Media
AGGM: Waa Aniga Maamulka Allgalgaduud Media Ee Maxaan Kuu Qabtaa?
Seeraar: Maasha Allah, Barasho wanaagsan marka hore, marka xigana hadde Waxaan Doonayaa Inaan Wada Shaqeeno Oo Sida Hadda Xiririkeenu Yahayna Uu Ka Wanaagsanaado.
AGGM: Waan gartay, Maxuma Maxaadse Ka Wadaa In Xiriirkeena Ka Wanaagsanaado?
Seeraar: Waxaan doonaynaa in aad toos noola shaqeeysaan haddaanu nahay maamulka Jubbland oo aad ka gaabsataan arrimaha Jubbooyinka, waxna ka badashaan qaabka hadda aad wax ku wadaan, haddii ay huri weeyso in aad ka gaabsataana, waxaan Doonaynaa run ahaanti in aydnaan qorin wax nalooga soo horjeedo ee aad qortaan waxa nalagu taageerayo, sida aad la socoto maamulka Jubbaland juhdi badan ayaa galay, dadkan oo dhana waxa uu u yahay dan, adinka oo taas fiirinaya inaan wada shaqeeno oo aan isu soo dhawaano ayaan doonayaa.
AGGM: Waan gartay, hadaa sida aad doonaysaan yeelno maxaa dan ah oo inoogu jira hadaanu nahay Allgalgaduud Media iyo dadka akhrista, ileen dad baa ku taxan oo usoo doonta wararka iyo xaalada Jubbooyinka halka ay marayaan?
Seeraar: Waanu ka heshiinaynaa taa, dadkana dhib badan malaha oo waad taqaan Mediyaha.
AGGM: Seeraar ilaa hadda maan ku fahmin ee bal warka waadix iiga dhig, Maxaan ka heshiinaynaa, maxaase ku heshiinaynaa?
Seeraar: Haddaan kuu koobo Ka warama warbaahinta Allgalgaduud hadaanu siino $20,000 kun oo doolar oo aydnaan hal sano waxba kasoo qorin arrimaha Jubbooyinka?
AGGM: Waan gartay, dhib malaha balse ma kaligeen ayaa qaabkaas idiinla shaqeeynayno mise waxaa jira Warbaahino kale oo qaabkaas idin kula shaqeeyo?
Seeraar: Waxaa jira warhaabino badan oo nala shaqqeeya oo weliba beesha ay leedahay adinka uunbaa leeydinka dhaahdicin waayay fikirka, taas ayaana qasabtay inaan aniga toos idiinla soo hadlo, maadaama warbaahinti kale dadki loo diray ay qaateen warkoodi, intaa aan Allgalgaduud ahaan idiin sheegay iyo wax u dhowna nagama qaataan Warbaahintaa kale, qaar baa FREE noola shaqeeya, qaarbaa sanadka dhan naga qaatay $5000 oo doolar, aad ayaad ummada noogu kiciseen hadaa tihiin bahda Allgalgaduud, waxaan lacagtaas intaa le’eg idiinku gaareeynana waan ku soo xansanay in aad tahay nin madax adag oo waxaad ku dhagto lagaa furfurina waan ogahay oo qolyaha telefoonkaaga isoo siiyay ayaa iisoo waramay, Qosol Qosol Qosol.
AGGM: Qosol Qosol Qosol, Seeraar soo dhawoow waan heshiinaynaa, marka hore anigu ma aqoonsani wax la yiraahdo Jubbaland, adigana waxaan kuu garanayaa inaad tahay Afhayeenka Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni, mida xigta ee aan doonayo inaan kuu sheego waxa ay tahay hal Milyan oo doolar hadaa noo sheegto fikirkaanu ka aaminsan nahay maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ma badaleeno, cid si wanaagsan ii taqaan ayaadna runtii soo xansatay, waa run aad ayaan u madax adkahay, waxaan ku dhagana kama fuqo, sababtoo ah waxaan xaq u leeyahay baan ku dhagaa ee kuma dhago waxaan xaq u laheen, balse macnaheedu ma,ahan hadaan wax ku dhago in lacag haddii la ii sheego aan ka fuqayo ama aan badalayo go’aankeeyga ama mabda’a aan aamin sanahay, aad ayaana uga xumahay warbaahinta qaarkood ee beesha sida aad ii sheegtay in ay sidaa raqiis u noqdeen, waxaa kale oo aan aad uga xumahay danta aad ii soo wacday in aan kuu fulin karin.
Seeraar: Horta haku dagdagin inaad jawaab hadda isiiso bal kasoo fakar, kana raali noqo hadaad ka xanaaqday lacagta aan sheegay, laakiin waxaan kaa codsaneeyno uun waa wanaag iyo in Jubbaland ay dhisanto oo dadka ay helaan maamul,marka adoo u daneenaya dadka walaaloow nala shaqee, waxaad doonto waan yeelaynaa, taldaada iyo tusaalayntaadana waan qaadaneeynaa.
AGGM: Seeraar Taladeeyda haddaad qaadaneeysaan adinka iyo Kenyaba isaga baxa Jubbooyinka waa dhul Soomaaliyeed iibna ma,ahan, waxaan kale oo aan kuu sheegayaa intaad aniga ila soo xiriireeyso la xiriir Dowladda Soomaaliya iyadaa dani kuugu jirtaaye kuna bad baadin karta, fikirkeeygana waa waadix.
Seeraar: Telefoonka ayuu jaray.
Akhristoow telefoonka laga soo wacay maamulka Warbaahinta Allgalgaduud Media waa kan (00252616070007) marki la soo baarayna waxaa xaaqiiq noqotay in mulkiilaha nambarkaas uu yahay Afhayeenka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni C/naasir Seeraar.
Isku soo wada duuboo horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa waxa ay aaminsan yihiin gabi ahaan dadka in ay dhuunta wax ka maqlaan oo aysan lahayn wax Mabda’a ah oo ay iibsan karaan cideey doonaan taa oo ah wax lagu qoslo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgadudu@gmail.com