Muqdisho(AGGM) Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa hadda fulisay dil toogasho oo lagu fuliyey askar ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed kuwaasi oo loo haystey falal kala duwan,waxaana fulinta dilkaasi toogashada ahi ka dhacay Meel fagaare ah oo dad badan goob joog ka ahayeen.
Toogashadan ayaa ka dhacay fagaaraha wayn ee Iskuul Boolisiyo ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay goobjoog ku ahayeen boqolaal shacabka reer Muqdisho ah oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan dawladda federaalka ah ee soomaaliya,waxaana toogashadaas lagu fuliyey askar ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.
Askarta Toogashada lagu fuliyey waxay kala ahayeen:
- Cali Maxamed Aadan 24 jir Ahaa Dable, u dhashay Degmada Ufurow
- Cismaan Maxamed Diiriye 25 jir ahaa Dable,u Dhashay Degmada Buulo Mareer
- Ibraahiim Maxamed Xuseen 24 Jir u dhashay Degmada Afgooye
- Xasan Maxamuud Abukar 29 Jir u dhashay Gobolka Banadir
Afartan ee maanta dilka toogashada lagu fuliyey ayaa la shaaciyey inay si wada jir ah u dileen askari ka tirsana ciidamada xooga dalka sanadkii 07-07-2009, waxaana ay dileen askari lagu magacaabi jirey Cabdi Maxamed Axmed Afdheere oo ka tirsanaa ciidamada xooga dalka kana mid ahaa ilaalada madaxtooyadda oo ay ku dileen.
Sidoo kale Xasan Maxamuud Abukar ayaa la sheegay inuu isaguna askari ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliya ku dilay degmada Karaan ee Gobolka Banadir isagoo 25-05-2009 dilay Dable Cabdilaahi Maxamed Xuseen,waxaana maanta dilkasi fulisay cutub ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii Maxkamadda ciidamada qalabka sida aya shaacisay inay wali harsan yihiin kooxo kale oo kala duwan isla markaasna dilal ka geysteyn gudaha Magaalada Muqdisho iyo degmooyinka ku dhaw dhaw isla markaasna lagu wado in dhawaan iyagana Dil toogasho lagu fuliyo.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com