Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya Oo Tagay Magaalada Balanballe.

0

isbitaalka-balanbale5Balanballe (AGGM): Wafdi ka socda dowladda federaalka ee Soomaaliya oo shalay gaaray  gobolka Galgaduud ayaa maanta tagay degmada Ballanbale ee gobolkaas.

Xubnaha wafdigan oo uu horkacaya Prof. Abuukar Cismaan Looxoow oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Balanballe.

Agaasimaha waaxda qorsheynta iyo tababarada ee wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka badda dekadaha iyo tamarta Cabdullaahi Maxamuud Cali oo wafdiga kamid ah  ayaa Warbaahinta u sheegay in ujeedka ay u tageen Balanballe ay tahay sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen nolosha dadka iyo xaaladda ammaanka,

Wuxuu sheegay kaloo sheegay in shalay ay magaalada Cadaado oo ay booqdeen ay kula kulmeen maamulka degmadaasi iyo qeybaha bulshada, ayna diiwaan geliyeen waxyaabaha muhimka ah ee ay dadku u baahan yihiin.

Magaalada Caabudwaaq ayey wafdigu sidoo kale tageen, halkaasoo ay shirar maamulka kula yeesheen.

C/laahi Maxamuud Cali ayaa sheegay in ay muddada ay Balanballe joogaan la hadli doonaan dadweynaha si ay u ogaadaan waxa ay dowladda ka rabaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com