Gacan Ku Dhiiglihii Dilay Dhakhtar Faysal Ilbiir Oo Gacanta Lagu Dhigay & Dadaalo Lagu Sii Daynayo Oo Ay Beeshiisu Wado.

0

xabsiKismaayo(AGGM) Ka dib dilkii Foosha xumaa ee loo geystey nin dhakhtar ah oo ka caan ahaa Xeradda Qaxootiga ee Xagardheer isla markaasna lagu Magacaabi Jirey Dr Faysal kana soo jeeday Beesha Sade gaar ahaan Beesh Celi ayaa la sheegaya in saacadihii la soo dhaafay lagu guuleystey in gacanta lagu soo dhigo ninkii dilkaasi ka dambeyey.

Waxgaradka Beesha Sade ee Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab ayaa shaaciyey in ninkaasi ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada booliska dawlada kiiniya ee ku sugan xeryaha Qaxootiga,waxaana la sheegay in ninkaasi laga soo qabtey duleedka Magaalada Gaarisa isagoo ku sii jeeda Magaalada Nairobi.

Ninka dilka geystey ayaa la sheegay inuu ka soo jeedo Beesh Absame gaar ahaan Beesha Maxamed Subeyr,waxaana ninkan uu ku dilay sida warbaahinta Allgalgaduud loo xaqiijiyey arrimaha ku saabsan muran dhawaan dhexmaray waxgarad ka soo jeeda Beesha Sade iyo koox ku abtirsada Beesha Absame isla markaasna matalayey Guddiga Amniga Xeryaha kuwaasi oo dood kula ay dhexmartey waxgaradka Sade iyo Iyaga.

Dilkan Marxuumkan ayaa la sheegay inuu ahaa mid qorsheysan isla markaasna ay soo qaban qaabiyeen kooxdii isku tilmaamtey inay tahay guddiga Amniga Xeryaha Qaxootiga kuwaasi oo la sheegay inay ka dambeeyeen dilka Dhakhtarkan oo caan ka ahaa Xeryaha Qaxootiga isla markaasna ka mid ahaa dadka tiradda yar oo aqoonyahanadda ah kana hawlgala Xagardheer.

Sidoo kale waxaa jira qaban qaabo ay wada Masuuliyiin beesha Absame ka tirsan oo ay ku doonayaan inay ninkaasi xabsiga kaga sii dayaan isla markaasna ku fasaxaan,waxaana arrintaasi walaac xoogan ka muujinaya shacabka ku dhaqan xeryaha Qaxootiga ee ku yaala nawaaxiga Dhadhaab,waxaana dadka qaarkood bilaabeen inay dib u soo laabtaan dhinaca soomaaliya gudaheeda maadama ay amni darro la soo deristey.

Ugu dambeyntii dilkan ayaa ah mid saameyn xoogan ku yeelan karra dad masakiin ah oo aan waxba galabsan kuwaasi oo ku dhaqan degaano ka baxsan xeryaha Qaxootiga,waxaana laga cabsi qabaa in dad kale oo masaakiin ah noloshooda galaftaan dagaaladan sokeeye ee cirka isku sii shareerayaa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com