Eng. Mukhtaar Aas aasihii Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed oo duleedka Muqdisho lagu aasay “Sawirro”

0

DSC00372Muqdisho(AGGM) Eng. Mukhtaar Xasan Maxamuud oo ahaa guddoomiyihii Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed ayaa maanta aas loogu sameeyay magaalada Muqdisho, kadib markii uu saakay u geeriyooday xanuun muddooyinkii dambey hayay.

Aaska marxuumka ayaa waxaa ka qayb galay, Culumaa’udiin, saxafiyiin iyo qaar ka mid ha ehaladiisa, iyadoo lagu aasay deegaanka jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho.

Maxamuud Xasan Maxamuud oo ay walaalo yihiin Eng. Mukhtaar ayaa ka hadlay taariikhdiisa dhalasho oo uu sheegay in Marxuumka uu ku dhashay magaalada Gaalkacyo sanadka markuu ahaa 1945-tii

Maxamuud ayaa tilmaamay in heerka waxbarasho uu inta badan ku soo qaatay dalalka Jarmalka iyo Talyaaniga oo uu ka soo bartay sawir qaadidda, isagoo tibaaxay in Eng, Mukhtaar Xasan Maxamuud uu intii u dhexeysay sanadihii 1980-kii ilaa 1990-kii uu Macallin ka ahaa kulliyaddii saxaafadda ee Jaamacaddii Lafoole.

Maxamuud Xasan ayaa xusya in Eng. Mukhtaar uu ifka kaga tegay wiil iyo gabar, waxa uuna Alle uga baryay in uu ka waraabiyo janadii fardowso.

C/laahi Xaaji Aadan Shaacir oo ah guddoomiye kuxigeenka Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed, islamarkaana ay in muddo ah wada shaqeynayeen ayaa isna ka warbixiyay taariikhdiisa shaqo oo uu sheegay in Allaha u naxariistee Eng. Mukhtaar uu Wakaaladdii Filimada uu ka soo noqday maareeye kuxigeen, isagoo intaa raaciyay in uu ahaa nin soo saaray suxufiyiin badan oo dalka ka howlgalla.

C/laahi Xaaji Aadan Shaacir ayaa hoosta ka xariiqay in Eng. Mukhtaar uu ahaa aas aasihii Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed oo uu aas aasay sanadka markuu ahaa 1997, halkaasi oo uu ku sheegay in ay wax ku soo barteen dhalinyaro badan oo iminka ka howlgalla warbaahinta gudaha iyo dibedda

Allaha u nxariistee Eng. Mukhtar Xasan Maxamuud waxa uu ahaa rugcaddaa saxaafadeed, jecelna in uu soo saaro suxufiyiin badan, oo si lacag la’aan wax u barayay ilaa ay ka gaaraan heelka Diplomaha ah, iyadoo saxafiyiintii ka qayb gashay ay tibaaxeen in Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed uu sii jiro doono, ayna sii wadayaan howlihii uu bulshada u hayay Eng. Mukhtaar.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSC00372DSC00380DSC00383DSC00389DSC00389DSC00393DSC00402DSC00427