New York (AGGM): Golaha amaanka ee QM ayaa waqti kordhin u sameeyay guddiga dabagalka cuna qabataynta hubka ee saaran wadamada Soomaaliya iyo Eritrea oo dhawaan warbixin dheer kasoo saaray arrimo dhawr ah oo Soomaaliya ka jira.
Qaraar kasoo baxay golaha amaanka ayaa waxaa lagu sheegay in guddigaan waqti ay hawsha sii wadayaan la gaarsiiyay illaa 25 bisha November sanadka dambe ee 2014 si ay u sii wadaan xog ururinta ku saabsan xaaladda Soomaaliya ee ay u xil saran yihiin.
Warbixinta kasoo baxday golaha amaanka ee Q,M waxaa lagu sheegay in guddigaan si gaar ah markaan loogu xil saaray ururinta xog rasmi ah oo ku saabsan arrimaha cuna qabataynta hubka ee saaran wadamada Soomaaliya iyo Eritrea waxaana go’aankaa New York.
Guddigaan warbixin ay dhawaan soo saareen oo 80 bog ka koobneyn waxaa ay kaga hadleen arrimaha hubka ee Soomaaliya kusoo qul qulaya iyo arrimo kale oo amaanka quseeya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com